Maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd haddii aad tagto meel lagu il la'yahay, adna wa inaad isha iska ridaa.

Macnaha ay uga jeedaan ayaa ahayd in aanad ka soocnaan umaddaa aad u tagtay si aan khatar wayni kaaga iman. Sababtoo ah haddii aad il qabto iyaguna il la'yihii su'aal ayaa imanaysa ah, sababma ayuu isha u leeyahay. 

Markii rasuulku (Scw) muslimiinta faray inay u hijroodaan dhulkii xabashida, si ay halkaa ugu nabad galaan. Waatii qurayshi ka daba dirtay, ninkii la odhan jiray Camar Ibnu Caas. Si uu boqorkaa ugu soo qanciyo inuu usoo dhiibo raggaa tolkood kasoo baxday si nabada. Waxaanay adeegsadeen hab cilmi nafsiyeed, oo ah in hadyad loo qaado qofka aad wax ka rabto. Marka uu ku farxana, aad dhex marsato wixii u jeedooyin ahaa ee aad lahayd. 

Arintu marka ay halkaa marayso ayuu Jacfar Binu Abii Daalib, oo ahaa hogaankii xertaa muslim ah la hadlay boqorkii. Waxaanu u tibaaxay in diinta islaamku ay tahay mid sharaftay Ciise. Halkaa marka uu hadalka marinayo ayuu yidhi Najaashi:" ii sheeg sidee ayaad Ciise ku ogaateen."

Maadama uu Najaashi Masiixi ahaa waxaa uu layaabay sababta uu ku ogaaday ninkani. Jacfar kumay adkaanba ee waxa uu xasuustay Suuraddaa Maryam oo uu u dareeriyay qisadeeda. Halkaa markay maraysay ayuu Najaashi u arkay in ay Jacfar iyo xertiisani aanay mudnayn in la dhiibo. Maadama ay Ciise wax ka garanayaan oo ay aaminsanyihiin. 

Halkaa waxaynu ka ogaanaynaa, in aad marmarka qaar kaga badbaadayso cadawgaaga shay aad la shabahdo. Kaasoo  macno way uga samaynaya agtiisa. 

Badan keena marka aynu filimada galbeedka daawanayno, waxa aynu dhuganaa, atooraha oo marmarka qaar ku badbaadaya dirayska ciidamada ka soo horjeeda. Sidaana uu ku nabad galaa. Waxaana jirtay xadiis nabigu lahaa: "qofkii qoomiyad isu eekaysiiya, iyaga ayuu ka mid yahay. 

Goortii jannada ay joogeen Xaawa iyo Aadam, waxay ahaayeen kaligood oo kadeed may arkayn maadama oo aan jannada lagu rafaadin. Balse maadama oo ayna khaayinnimo iyo caasinnimo aanay arag, way u sahlanayn in uu shaydaanku khiyaamo. 

Waakii isaga dhigay mid iyaga la jira oo u nasteexaynaya. Kuna yidhi:" Ilaahaybaan ku dhaartee haddii aad cuntaan geedkaa, waligiin waad waaraysan. Iyagu se ismay waydiin ma imikaad waaritaan ku jirtaan mise waa wax idinka maqan. 

Si uu ugu xaqiijiyo inuu iyaga la jiro, dhibna aanu la damacsanayn ayuu dhaar ugu xagafsiiyay. Waligoodna Xaawiyo aadam may arag wax Ilaahay been ugu dhaaranaya. Waanay ka aqbaleen. Sidaana waxay ku jabiyeen, digniintii Ilaahay uga digay inaanay cunin geedkaa. 

Dagaalkii Uxud markii muslimiinta dhabar jabinta lagu sameeyay, ee khaalid seefta ka aslay. In gaaladii quraysheed ay ku qayliyeen, Muxammed waanu dilnay, Muxammed waanu dilnay. Iyaga oo dilay saxaabi Nabiga u eekaa oo la odhan Jiray Muscab Ibnu Cumayr. 

Filim lagu magacaabo Face/off oo 1997 la matay. Waa filin isna isla mawduucan shabaha. Castor, dambiilaha, sameeyay bam waqtiyaysan, kaas oo burburin kara LA.  Markii lagu xiray xaalad miyir la'aan ah, wakiilka FBI-da, Sean, oo qayb ka ahaa qorshaha, ayaa Castor wajigiisa qaliin caag ah u maraya si uu u helo bamka.

Maah maah kale oo Soomaaliyeed ayaa ahayd, iyada oo tilmaamaysa isashabahaasi khatarta uu leeyaya sida tan. Abeeso dhul u eekibay kugu dishaa. 

W/Q: Mohamed .A