Halista ay u leetahay dhalinyarada in dhiig karkoodu kaco.

Sida caadiga ah marka uu dhiigaagu karo/hypertension ama dhiikar aad dareento, waa wax yaalaha ugu badan ee saameya xiddidada wadnaha, una sababa dhimasho xilli horeba adduunka oo dhan. Dhiikarku waxa uu dhaawici karaa xididdada dhiiga, waxaanuu yaraynkaraa dhiiga u qulqulaya maskaxda. Waxaanuu samayn karaa dhimirka hoosna u dhigaya ogaalka qofka, sida xasuus lumista.

Daraasado ayaa sheegaya in dhiikarka iyo da’da wax ka dhexeeyaan. Iyadoo cilmi baadhista loo eegayo, qofka lanool dhiikarku waxa uu qarka u saaranyahay gabaw dagdaga. 1 mmHg haddii uu kor uga kaco dhiikarka qofka caadiga ahi, waxaa ku saa’idaya 4-7 cisho da’diisa maskaxeed. Dhiikarka ka hor waxaa lagu qeexaa cadaadiska stolic pressure inuu yahay 135 mm Hg and diastolic pressure-kuna 85 mm Hg. Waxa uu leeyahay maskax ka wayn 6 bilood qofka dhiikarkiisu caadiga yahay (110/70 mmHg).

Professor Nicolas Cherbuin, oo ah qoraaga ugu horreeya ee daraasadda, ayaa yiri: "Fikirkan ah in maskaxda qofku ay noqoto mid aan caafimaad qabin sababtoo ah cadaadiska dhiigga oo sarreeya marka uu waynaado ma aha mid run ah. Waxay ku bilaabataa waqti hore waxayna ku bilaabataa dadka dhiig karkoodu caadiga yahay.” Dhiigkarka ayaa cadaadis dheeraad ah saara xubnaha gudaha sida wadnaha, maskaxda iyo kelyaha, kuwaas oo dhamaantood hurdada udiida.

Hurdo la'aantu, waxay ku adkeyn kartaa jirka inuu xakameeyo hormoonnada warwarkiyo walaaca, taas oo keenaysa cadaadis dhiigkareed oo aad u sarreeya.

Haddii la is barbardhigo qof dhiikar qaba iyo qof caadi ah. Qofka aan qabin ayaa maskax ahaan ka da’yar oo kana firfircoon ka xanuunkan la nool.

Professor Walter Abhayaratna, oo ah qoraaga daraasadda, ayaa yiri:

"Waxaa muhiim ah in aan bilawgaba noloshada u samayso isbeddello hab-nololeed iyo mid cunneedba si aan uga hortagno dhiig karka in uu aad u kaco, halkii aan sugi lahayn in uu inagu kaco oo uu dhib inoo gaysto.

Marka la barbardhigo qofka qaba dhiig-kar gaadhaya cabbir ahaan 135/85, qof isagu aan qabin xanuunka oo cabbirkiisu yahay 110/70 ayaa la ogaaday inuu leeyahay da'aadda maskaxeed taasoo u muuqata in ka badan lix bilood inuu ka yaryahay marka ay gaadhaan dhallinyaranimadooda ."

Kooxdii cillmi baadhista samaynaysay ayaa ku eegay Scan iyo cabbirka dhiikarka 2000 oo qof u dhaxeeya 40 ilaa 12 sano.

Natiijooyinku waxay noqdeen kuwo laga naxo, gaar ahaan kuwa da'doodu yar tahay, sababtoo ah waxay ku qaadataa wakhti si loo arko saameynta xun ee caafimaadka maskaxda uu u keeno cadaadiska dhiigga oo sarreeya ama dhiirkarku.

Wax yaalaha sabab dhiikarka waxaa kamida:

  • Miisaanka faraha badan
  • Cunista milixda badan iyo cunna la’aanta khudaarta iyo midhaha.
  • Jimicsi la’aan
  • Cabbista doroogo badan ama coffee badan. Sidoo kale dareere ay ku jirto coffein.
  • Sigaarka
  • Wererka faraha badan.
  • Da’aadda 65 marka uu qofku kor baro.
  • Badalidda hab nololeedkaagu waxa uu qayb ka yahay inaanuu kugu dhicin xanuunkani, haddii aad qabtana inuu kaa yareeyo.

Maadaama ay cadhadu tahay waxyaalaha dhiikarka keenna, waxa uu rasuulka Ilaahay ina leeyahay:” Ha isu cadhoodhina, hana is xaasidina oo cibaadada Ilaahay ku walaalooba .”

قال رسول الله ﷺ: "لا تباغضوا ولا تحاسدوا وكونوا عباد الله إخوانا". رواه البخاري ومسلم

Soomaaliduna way ka maahmaaday inaanu qofku markiiba cadhoonin, sabab la’aan iyo inuu wax hubsado. Waxaanay yidhaahdeen:” Hubsiimo hal baa la siistaa”.

Ximad Ingriisi ah baa ahayd: “haddii si fudud lagaaga cadhaysiiyo, waxaad luminaysa isu dheeli tirkaagi caqli iyo jidheed.”

"If another can easily anger you, it is because you are off balance with yourself."

Ka dheeraanshaha dadka taban, ee caqli ah kuu dhaawacayaa, waa qayb kamida inaad ka durugtay, xanuuno badan oo kugu dhici lahaa, sida dhiikarka oo kale.

Xanuunnada kalyaha ku dhacaana, waa waxa koobaad ee keena dhiikarka. Inaad biyi badan cabto waa kuu muhiim. Maadaama ay kalyuhu yihiin, sifeeeyayaasha jidhka oo qashinka ka saraayanaan.

Tusaale yar aan kusiyee walaal, marka aad bulaacadda gurigiinu qashin badan kala reebto, miyaanay ahayn si aanay usoo urin inaad biyo badan raaciso illeen wax ayaa fadhiisanaya, oo way qudhmayaan. Hadhow xanuuno ayaa kaaga dhalan kara ee. Haa, ayaad la soo boodaysaa, balse jidhkaagu waxa uu maalin walba ku soo dirayaa, fariimo ah inay halyuhu rabaa wax sifeeya.

Lagayaaba marka aad suuliga gasho inay kaadidaadu casaan/guduud tahay. Wali waad dhawdahay ee biyaha badso oo jimicsina samee. Haddii aad nin tahay u samee qoyskaaga qol ay ku alaamiiteeyaan, halkii aad tv ugu sharixi lahayd.

Soo jeediinta qoraaga:” Mar walba la jaar oo ka ag dhawoow dadka caqligoodu badka qabo ee talooyinka bixiya iyo dhakhaatiirta. Kana dheerow dadka maan gaabka ah ee wax walba iyagu dawo u sita ay isku daaweeyaan. Waydii qofkii aqoon dheerada shaygaad ka cabanayso u leh."

W/Q: Mohamed .A