Yasuke, (wuxuu dhashay c. 1550s), Samurai-gii madoobaa adeegahana u ahaa daimyo Oda Nobunaga ee
Japan intii lagu jiray Sengoku ("xilli Deegaano dagaaleedkii"). Wuxuu
ahaa ajnebigii ugu horreeyay ee la yaqaan ee gaadha heerka Samurai.
Xogtiisa oo dhamaystirani waa lama yaqaan, magacii
loogu wan qalay waa lama yaqaan. Xilliga dhalashadiisu waa lama yaqaan balse
ifafaalooyinka cabireed ee lagahaysto ayaa kenaya inuu dhashay hilaaddii 1550 meeyadii.
Sidoo kale waxaa aan la hubin meesha uu Afrika uu ka soojeeday. Taariikhyahana
ayaa marka ay qiyaasayaan kobta uu ku dhashay waxa ay badanka farta ku fiiqaan
inuu ahaa, itoobiyaan, muusambiigi ama inuu koonfurta suudaan ka soo jeedo.
Degaankiisa si loo qeexana waxa ay u badantahay in
magaciisu ka turjumayo, muuqaalkiisuna la dubyahay qoomiyadiisii. Sidoo kale
xidhiidhadii ganacsi ee Jaban Yurub Afrika iyo Yurub iyaguna waa ka qayb
dhankooda. Lama hubo Yasuke in uu addoon ahaan Afrika uga soo cararay; waxaase suurtogal
ah, sida ay qabaan taariikhyahannada qaar, in laga yaabo in uu Afrika uga tagay
calooshood u shaqeystayaal. Waxa sida dhabta ah loo garanayaa ah, in Yasuke uu Japan
yimid 1579 isaga oo la socda adeegaha Jesuit Talyaani, Alessandro Valignano, waxaaana
suure ah inuu ahaa ilaaliyaha Valignano. Lama oga, si kastaba ha ahaatee, in
Yasuke uu addoon ahaa ama xor xilligaas.
1581-kii Valignano iyo Yasuke waxay u safreen Kyōto,
halkaas oo ay kula kulmeen Oda Nobunaga, dabaqadda bulsheed Daimyo oo is bidaysay awood. kaas oo
raadinayay in uu mideeyo Japan oo ay kala qaybiyeen dhowr qabqablayaal. Waxa uu
la amakaagay oo la fajacay, Nobunaga muuqaalka Yasuke, dhererkiisa iyo
midabkiisa labadaba. Sida lagu qoray buugga xusuus-qorka ee Samurai Matsudaira
Ietada, "dhererkiisa [Yasuke] wuxuu ahaa 6 shaku 2 Sun [qiyaastii 6 cagood
2 inji (1.88 mitir)]… wuxuu ahaa madow, maqaarkiisuna wuxuu u ekaa sida dhuxulsha."
Yasuke waxa uu dherer ahaan ka sara marayay celceliska qofka Japan ee waagaas.
Inta badan dadka reer Japan, oo uu ku jiro Nobunaga, weligood may arkin nin
Madow ah. Markii uu la kulmay Nobunaga, Yasuke ayaa la sheegay in aad u
nadiifiyeen oo xoqeen, maadaama Nobunaga uu rumaysnaa in maqaarkiisu wasakh/uskaygaysan
yahay.
Yasuke waxa uu dareemay in uu raali ka noqday Nobunaga
oo aan dhankiisa looga soo dhacayn. Taariikhyahanadu waxay u maleynayaan in
Yasuke uu si fiican u yaqaanay Japanese si uu ula hadlo Nobunaga, sidoo kale
waxay aaminsan yihiin inuu si dhakhso ah u caddeeyey Yesuku xirfadihiisa askariyeed.
Wax yar ka dib kulankoodii ugu horreeyay, Nobunaga wuxuu siiyay Yasuke
magaciisa Jabbaaniiska ah, wuuna ka aqbalay adeeggiisa, wuxuuna ka dhigay
ajnabigii ugu horreeyay ee la diiwaan geliyo si uu u helo magaca Samurai.
Yasuke wuxuu sidoo kale ahaa mid ka mid ah dadka yar ee wax la cunay Nobunaga,
taas oo muujisay isku soo dhawaanshaha xiriirkooda iyo kalsoonida dhextaalay.
Samuray ahaan, Yasuke waxay dagaalo badan wada galeen Nobunaga,
in kasta oo tirada saxda ah aan la garanayn. Shaqadii Nobunaga waxay ahayd mid gaaban,
si kastaba ha ahaatee, Yasuke wuxuu ku hadhay Honnō Temple ee Kyōto 1582,
kaliya hal sano ka dib markii ay dib ukulmeen, Nobunagana waxa uu khiyaameeyay
guud ahaan Akechi Mitsuhide gaar ahaan generaalkiisii. Iyada oo laga adkaaday. Nobunaga
waxa uu isku sameeyay seppuku, oo ah nooc ka mid ah isdilka caado ay
jabaaniisku lahaayeen, taasoo ahayd in uu qofku minddi calosha iska galiyo. Haddii
uu khiyaamo ku kaco. Taasoo qasab ku ahayd inuu maro dagaal yahan kasta oo
samurai ahaa. Waxaanu mindida iska xuluulin jiray mindhicirada, marka uu
xanuunka dareemo uu mid seef la dultaagani kurka hor dhigayo. Waxaanay sidan u
samayn jireen, si uu u xakameeyo dhimashadiisa oo uu u ilaaliyo sharaftiisa.
Waxaana suura gal ah in Yasuke uu ahaa kii kurka ka
jaray Nobunaga, markii uu isku fuliyay xeerkii cibaadada u ahaa ee Seppuku.
