Qofkastaa waxa uu rabaa inuu wanaag, farxad, iyo daganaanshiiyo dareemo. Xidhiidho ayuu u hanqaltaagayaa, inuu aad u qorqornaado oo looga daba dhaco ayuu rabaa.

Qofkastaaba sidaasuu jecelyahay. Sax.


Haddii hadda lagu waydiiyo maxad rabtaa doonisataada? Waxaad o dhanaysaa waxaan rabaa shaqo fiican, qof qurux badan, iyo deegaan igu haboon oo bilic leh. 


Haddaba ka hor intaa waxaa meesha yaala su;aalo dhawr ah, oo lagayaabo inaanay kuugu jirin qorshaha. Waxaanay noqon karaan su’aalahaasi sidatan. 


Xanuun intee le’eg ayaad nolosha rabtaa?
Maxaad diyaar u tahay inaad u halganto?


Taasi waxay qeexaysaa waxa nolosha aad rabtaa ay noqondoonto.

Wali malaha imaad fahmin. Bal haye ee dhankale aynu ka istaagno. Ilaahay waxa uu inagu waa jibiyay salaado. Waynu ognahay culayska ay leeyihiin balse mid walba qabashadooda waxaa inoo saaran ajar. Iskaba dhaafba oo waa waxa ugu horeeya ee aakhiro la iska xisaabinayo. Qofkii si fiican u soo gutay jannada ayuu galaya, kiise soo dayacay naarta ayuu galayaa. Haddaba su’aasha muhiimka ah ayaa ah maxaybay u adagtahay salaadu, oo sababma ayay salaada subixi uga fadli badnaatay salaadaha kale? 


Salaada subaxi waa xilli aad u qabow oo qofna ma awoodo inuu biyo jidhkiisa mariyo, waa haddii la kacaba ee. Midda kale ayaa ah xilliga ay hurdadu ugu macaantahay oo qofku uu isnabo. Haddaba u jeedada salaadu waa in la halgamo oo la ga hinqado, sida fudud ee janno iska niyaysiga ah. Ilaahay waxa uu ina barayaa, inaanay noloshu ahayn meel  jannada aakhiro laga soo niyaysto, ka dibna la helayo. Waxayse tahay inaad u dadaasho, ee intee in le;eg ayaad diyaar u tahay halgankeeda?


"Waxa aan nolosha ka helayno ma aha mid lagu go'aamiyo dareenka wanaagsan ee aan rabno, laakiin waxaa go'aamiya dareenka xun ee aan dooneyno, oo aan awoodno inaan sii wadno si aan u helno dareenkaas wanaagsan."


Tusaale ahaan qofku marka uu doonayo inuu buurta halka u saraysa tago, haddii diyaaradi qaaddo oo gayso wax macnaha uma samaynayso buurta fiiqeedu. Balse haddii uu u lugayn lagaa, oo daalka iyo haraadka u sabri lahaa, marba inta uu siibto oo uu naxo, haddana uu farxi lahaa maadama oo u dhicis ka badbaaday ka dibna sii faanan lahaa, goorta uu figta u saraysa gaadho waxa uu ogaanayaa dhibtii uu u soo samray inuu farxad ka helay, markii uu tallaabadii u danbaysay u soo qaday fiiqana, uu jiifsaday isaga oo neef tuuraya. Waa kaas dhibta marka hore la marayo iyada oo farxad laga dhex baadhayo, dabcad waana laga heelaya oo farxaddu waxay taalaa dhibta gadaasheeda. Haddii aad se xaalad iska caadi ah aad farxad ka raadiso, adiiga ku dhiban oo laf toobin ku haya. 


Waar intee in le’eg ayaad diyaar u tahay inaad u daasho farxadda? Waataa su’aashu. Bilaal Binu Rawaax waxa uu kamid ahaa saxaabadii rasuulka, waxa uu addoon u ahaa Umaya Binu Khalaf, kaasoo markii uu Islaamnimadiisa maqlay caadabay cadaab walba, balse wuu kari waayay. Markii danbe ayay ku yidhaahdeen cay/aflagaadee Muxammed waanu ku cafiyaynaaye, balse hal kalmad ayaa afkiisa ka yeedhaysay oo ahayd “Axadun axad”. Bilaal dharaaraha waxa uu ahaa mid u adkaystay dhibka isaga oo gadaasha dhibka naawilayay jannooyin cirarka iyo dhulka u dhaxeeya. Dhibkii helay haddaanay jirin wax macno leh iyo farxad uga danbaysaa ma uu san mareen. 



Dhammaanteen waxa aynu xasuusannaa maalmihii inagu adkaa nolosheena, maalmihii aynu oynay ee haddana aynu isku sasabi jirnay way haggaagaysa. Waayo waatii ahayd maahmaah soomaaliyee” raggna ba’ood bay ka sheekeeyaan, dumarna badhaadhahood”. Dhibka aynu aammino in raaxo inooga danbayso ayaa ah raaxada dhabta ah. Haddii maanta qofi kusiiyo 10 dollar, waxaa lagayaaba inaanad ka fakarin lacagta sidaad u isticmaali lahayd ee aad suuqa isagala aaddo, laakin haddii aad kuuli/fuundi ka shaqaysan lahayd ama xaalad adag aad ku heli lahayd, xataa waxad xisaabin lahayd shillinka ugu danbeeya halka uu kaaga bixi lahaa. 


Waxaan xasuustaa maalinkii iigu horeeyay ee aan kuuli/fuundi galo. Waxaan eegayay hadba saacadda anoo isleh tolow madhabbaa oo lacagta waa lagu siinayaa. Maalinka sibidh/shamiitada gacmahayga ku dhagtay iyo siday ii adkaadeen, dhagxantii aan qaadayay culayskooda, waxa aan ku dhaafayay lacagtaa soo dhow ee haddaalin. Waar waxa macnaha nolosha u samaynayaa waa daalka iyo halganka. Ilaa hadda maalintaasi waxay iigu jirtaa maalmaha iigu qiimaha badan. Iyadoo boqolaal dollar oo ka danbeeyay aanan xasuusan, maadaama oo aananan u halgamin. Wax kastaaba waxay rabaan qiime ah intee in le’eg ayaad u rafaadi kartaa. Saaxiib ma jiraan wax la yidhaahdo jiif oo jaq. Xataa haddii ay dad yari jaanis u helaan nolol dhammaystiran, isla iyaga ayaa ah kuwa ugu horeeya ee qudha iska jara. 

Ilaahayna waxa uu quraanka ku leeyahay:"

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَنُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا لَهُمْ فِيهَا أَزْوَاجٌ مُطَهَّرَةٌ وَنُدْخِلُهُمْ ظِلًّا ظَلِيلًا﴾. "سورة النساء، آية: 57".

Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay/shaqeeyay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay hoos durdurayaan hoosteeda Wabiyaal, wayna ku waarayan abid, waxaanay ha helayaan ooryo la nadiifiyay, waxaanu hoos galinaynaa Hoos/hadh wanaagsan.


Ayaaddan oo kaliya ayaa sheegaysa in qofka shaqo wanaagsan la yimaada, marka horena niyaysta, uu abaal marinta noocaasa leeyahay. Al macnow waa dhibka ma mari kartaa anna intaasan ku siinayaaye. Intaasina waa inta la rababa. 

"Qofkasta oo dunidan ku nooli maalinbuu sidaada rajo lahaa balse maanta adiguna halkii ayaad taagantahay, kala duwanaanshuhu wuxuu noqonayaa, dhibka aad rabta intee ayuu le’eg yahay. Kii bilaal rabay kaagu ma u dhawyahay, mise baddaaba mahaysid?"


W/Q: Mohamed .A