C/raxmaan Binu Cawf waxa uu kamid ahaa saxaabadii soo islaamay ee ku islaamay gacantii Abuubakar Sidiiq. Waxaanu ka mid ahaa tobankii jannada loogu busgaareeyay. Markii madiina loo soo hijrooday rasuulku (scw) waxa uu lawalaaleeyay saxaabigii Sacad Binu Rabiic oo khasraji ansaari ah ahaa. Maadaama oo ayna muslimiintu haysan wax maal iyo mood ah, oo kaliya ay nafahooda kala soo baxsadeen reer quraysheed, waxay ku qasbanaadeen inay cid uun wax lawadagaan.
Saxaabi walbana waxaa qaraameeyay/soo dhaweeyay mid kamida Ansaarti. C/rahmaan markii uu u yimi kii lala walaaleeyay oo Sacad ahaa, ayaa ku yidhi:" Walaalkayow kala dooro labadayda dumara, ta aad gaclootaan kuu furayaa, oo beertayda qayb falo oo dacabkeeda dheefso. C/rahman Binu Cawf ayaa ugu jawaabay, Alle haku sharfo walaal ooryahaagana Ilaahay hakuu barakeeyo, beertadana hayso, aniga kaliya suuqa ii tilmaan."
Waxa uu farta ugu fiiqay kobtii uu suuqu kaga beegna, markaasu u jihaystay jihayn ka dhigtay inuu noqdo maal qabeen. Waxa ay sheegaan wakhtigii nabigu noolaa (scw) in uu kala badh hantiisa bixiyay oo gaadheysay afar kun. Waxaana uu sadaqaystay afartan kun. Waxaanu jihaadka u gaday shan boqol oo faras iyo shanboqol oo gurgurshaa/geel ah. Markii ay ajashiisu soo dhawaatayna waxa uu u dardaarmay wixii rag ahaa ee ka hadhay dagaalkii Badar 400 diinaar.
Waxaanu u ballan qaaday mid kasta oo kamida hooyooyinkii muslimiinta/xaasaskii rasuulka (scw) xoolo badan. Waxaanuu xoreeyay adoomihiisii, waxaana laga dhaxlay oo kale xoolo aad u badan.
Aan su'aal kuwaydiiyee diyaar miyaad u tahay in aad dadka ka dalbato inay kuu tilmaamaan goobaha lacagta lagu sameeyo. Sida suuqyada la taabankaro, forex, Youtube, facebook, instagram iyo kumanaanka suuq ee kale.
Gunaanadka mawduuceenani waxa uu daarranyahay/ka hadlayaa inaanad u baahnay xilli sax ah iyo cid sax ah oo ku gacan qabada, ee aad u baahantahay bilaw ah, suuqa ii tilmaan.
W/Q: Mohamed .A