Argoosiga ugu xuni waaka dumarka. Oo watii maahmaah Soomaaliyeed odhan jirtay: "Dumar nimay lagdaan, kama kacaan."


Bale Hinda Bintu Cutba oo ahayd xaaskii Abii Sufyaan Ibnu Xarbi; argoosigeedii ahaa inay Xamse Binu Abdi- Budalib disho kaliya kumay samrin.


Waxaana Qaswadii Badar lagu dilay aabaheed Cutba Ibnu Rabiica, adeerkeed Shayba Ibnu Rabiica, walaalkeed Waliid Ibnu Cutba, wiilkeedii Xandala Ibnu Abii Sufyaan.


Waxaanay ka dalbatay nin addoon ahaa, oo lagu magacaabi jiray Waxshi Binu Xarbi; inuu isha uun Xamse ku hayo, oo uu dilo isaguna uu xornoqonayo.


Waxayna Waxshi ka dalbatay inuu geeyo goobtii uu waranka waabaydalahaa kula helay. Markii ay maydkiisii aragtay, ayay bilawday inay fadho uurkujirtiisii.


Waxanay soo halabsatay Beerkii Xamse oo ay cantuugtay. Markaasay aamintay in ay hadda aargoosatay. Dumarku dhanka cadaawad qaadiska iyo in cid la naco way u fududahay oo ma illaawan.


Waana noole caadifiya oo xaaladda taagan ayay ku go'an qaatan, ee ka ilaali gabadh inaad cadaw ka dhigato. Haddiise aad wanaajiso oo aanad dhibin hubaal waxa ah, in ay nafteeda kuu sadqayso/hurto.


W/Q: Mohamed .A

....