Mataqaanaa sababta uu Nabi Yuusuf (Cs) u doortay jeelka, inaanay ahayn in uu ka cararayay oo uu dumarka ka baqayay han jabaadahoodda. Balse waxa uu diidanaa inuu sameeyo wax kasta oo ay rabaan, oo ahayd in uu sino/gaabsi ku dhaco maadama uu qof bili'aadama ahaa.


Balse yagu ay malag u arkayeen quruxdiisadarteed, una rabboodeen. Taasina waxay ahayd imtixaanka Ilaahay. Oo haddii lacag lagusiiyo, tuug ayaa lagugu imtixaamayaa. Qurudana dumar.


Marmarka qaar dadku waxay kuu arki karaan adoon ay soo iibsadeen, markaasay isku dayi doonaan inay kuu galaan sikastoo niyaddooda kusoo dhacda. Lkn Yuusuf jeelka iyo ciqaabta ayuu ka doortay, in uu galo jeelka xumaanta iyo qoomamada.


Halkaana waxa uu dib uga bilaabay, in uu jidhkiisa ka xoreeyo jeelka, maadama uu markii horeba naftiisa jeelka xumaanta ka xoreeyay. 


Labadaas marka aad ka xorowdana, adduunyada oo dhan ayaa gondahaaga joogsanaysa, wax walbana xalaal widhwidhaysa ayaad ku helaysaa. 


Alla Yuusufow maxaad wax badan fahansanayd, annagana tusaale nooga dhigtay inay wuxuba intaas uun yihiin. Intaas aad is adkaysay ee aad xiniiyaha isku buurtay. 


Mohamed .A