Magnesium waa macdan lagama maarmaan ah, oo qiyaastii ka noqonaysa tiro ahaan 0.05% miisaanka guud ee jidhka. Ku dhawaad ​​70% saadka jidhku wuxuu ku kaydsanyahay lafaha, halka 30% laga helo dareerayaasha gacanta iyo unugyada jilicsan.  Magnesium waxay ku lug leedahay hawlo badan oo dheef-shiidka kiimikaad ah. Gudaha unugga waxa ay ka shaqaysiisaa enzymeska lagama maarmaanka u ah dheef-shiidka kiimikooyinka, karbohaydraytyada iyo amino asiidhyada. 


Waxa kale oo ay nidaamisaa dheelitirka acid/alkali ee jidhka ku jira. Magnesium waxay caawisaa kor u qaadida nuugista iyo dheef-shiidka kiimikaadka macdanaha kale, sida kalsiyum, fosfooraska, sodium iyo potassium. Waxa kale oo ay caawisaa ka faa'iidaysiga fiitamiinnada isku dhafan ee B, fitamiin C iyo fitamiin E ee jirka. Magnesium waxaa laga helaa cunta iyo siiba ta dadku ay qorshaystaan inay cunaan. Maadaama ayna inoo kala soocnayn muhiimada ay cuntadu inoo leedahay. 


Heerarka wanaagsan ee macdantu waxay lagama maarmaan u tahay dhammaan marxaladaha nolosha, balse gaar ahaan marka aan da'danahay, haddii aan la kulanno diiqad aad u badan, iyo cabida khamri badan ama koofiiyn, iyo dabcan haddii cuntadeena ay ku yar tahay cuntooyinka hodanka ah ee magnesium. Heerarka magnesium ee cuntooyinka ku habboon ayaa aad uga hooseeya heerarkii ay ahaayeen tobanaan sano ka hor, sababtoo ah beerashada casriga ah iyo diyaarinta cuntaduba way ku yartahay macdantani. Mana naqaano oo inooma tirsanaba faa'iidooyinka macadanugu u leeyihiin jidhkeena, maskaxdeena iyo hab nololeedkeena kaleba. 


Magnesium si fudud ayaa looga dhimi karaa jirkeena, waxaanan haynaa kayd xaddidan oo kaliya. Calaamadaha iyo xanuunka ka dhalan kara yaraanta magnesium waxay noqon karaan kuwo halis ah oo aan la dhayelsan karin. Magnesium waxay ku lug leedahay in ka badan 300 oo kala duwan oo habab, oo ka dhaca jidhkeena. Magnesium waxay lagama maarmaan u tahay jidhka, waxaanay si fiican uga shaqeeysaa  caafimaadkeena iyo dheelitirka gudihiisa. Shayga ugu muhiimsan ee ay jidhka u qabataayi waa, dhaqdhaqaaqa murqaha iyo habdhiska dareenka. 


Marmarka qaar suuragal maaha inaad cuntada aad cunayso, aad ka hesho, Magnesium kugu filan. Siiba goorta aynu dareenno walaac, cabidaanka kafee badan oo cunidda cunto warshadaysan. Cadaadiska aad goortaa lakulanto, ayaa suure ah inuu jirkaaga ka saaro macdanta ay ku jirto magnesium. Sidoo kale, la'aanta magnesium ayaa laga yaabaa inay culeys ku noqoto jidhkaaga, taas oo markaa lagayaabo inay kordhin doonto, soo saarista hormoonnada walaaca.  


Kuwani mar kale waxay isticmaali doonaan kayd kasta oo magnesium ah waxayna si degdeg ah u isticmaalidoonaan doonaan qaadashada magnesium cusub, sidaas darteed waxay keenaysaa wareeg xun oo dhimis ah, oo magnesium jidhkaaga laga waayo.N asiib darro, la'aanta magnesium waxay saameyn xun ku yeelan kartaa caafimaadkaaga sababtoo ah waxay lagama maarmaan u tahay habdhiska dareenka iyo dhammaan dhaqdhaqaaqa murqaha. Heerka tamarta ee unugyadeena, iyo sidoo kale xusuusaheenna, wadnaheenna iyo lafaheena, dhamaantoodna waxay ku xidhan yihiin heerka magnesium ee jidhkeenu haysto. 


Sidoo kale Kayd aan badnayn oo magnesium ah ayaa ku jira jidhkeena. Jidhka bini'aadamku wuxuu ka kooban yahay 21-28 garaam oo magnesium ah. Si kastaba ha ahaatee, kaydka magnesium-keena ayaa u nugul hoos u dhaca ku yimaada - waxaynuna lumin karnaa 25% 25 maalmood gudahood. Calaamadaha ugu horreeya ee lagu garto heerka magnesium-ka oo aan kugu filnayn jirkeena waa xasillooni darro iyo muruqyo xanuun, dareenka xusuusta oo yaraada, naxariis darro, jahawareer, xaaladaha wadnaha iyo dhiig kar. 

Qalalaasaha wareegga dhiigga, rabitaanka cuntada oo luma, lalabo, caajisnimo, niyad-jab, iyo hurdo la'aan ayaa sidoo kale lala xidhiidhin kara magnesium la'aanta. Waxaana kamida cuntooyinka laga heli karo magnesium-ta:

  • Joglaatada madow
  • Laws midho baheedka
  • Gidir midho baheedka
  • Muuska/mooska
  • Afakaadhada 


Waxaad ku caawin kartaa in aad ku maareyso heerarka magnesium-ta oo wanaagsanaata, in jirkaagu uu celo cunto isu dheeli tiran. Taasoo uu ka heli karo macdantan iyo kuwo kale oo muhiim ah. Mahadsanid akhriste haddii aad ilaa halkan nala soo gaadhay.


W/Q: Mohamed .A