Waxaan filayaa inaad koobkii adduunka ee 2022 aad daawanaysay. Siiba ciyaartii u dhaxaysay Morooko iyo Burtuqiiska/ Morroko vs Portugal Dec 10, 2022. Watii Morooko 1-0 kaga badisay Burtugaal. C.ronaldo oo sheegta inuu yahay orgi qoodhka garoomada kubadda cagta, waakii isaga oo ooyaya garoonka iska baxay. Haddii aynu xasuusta dib ugu laabanno, 4 ogosto/august 1578 waxaa dhacay dagaalkii lamagac baxay Ardul makhaasim ama dagaalkii saddexda boqor. Dagaal ay fooda is dareen burtiqiiska iyo Moroko. Dagaal kaliya socday wax lagu qiyaaso 4 saacadood oo qudha. Sababta keentay in ay burtiqiisku dagaalka soo qaadana waxay ahayd inay ka cabsadeen, inay muslimiintu qabsadaan ceebaha ay iyagu gacanta ku hayaan ganacsigooda. Sideedaba Burtuqaal waxay xilligaa ahayd boqortooyo tun wayn, kana sheeganayd kuwii kale ee Yurub ku yaalay.
Sidaynu ognahayna sida ay sheegaanba Burtuqal waxay sahamiyeen wadanka baraasiil iyo sidoo kale oo Hindiya. Sababta ay Hindiya usahamiyeena waa in Islaamku ka talinayeen ganacsigii hindiya ka iman jiray ee soo mari jiray Baabu mandabka ama carabta soo dhex mushaaxi jiray. Iyaga oo ka dheeraanaya canshuurtooda, waxay sahamiyeen waddo kale oo hindiya gaysa. Waxaana hor muud u aha xertaa ninkii loogu yeedhi jiray Vasco dagama.
Waxaana uu
sameeyaya laba safar oo aad u dheeraa. Waxaana uu kala sameeyay labadaa safar
1497 iyo 1502. Waxa uu horaantiiba ka bilaabay ganacsi cape town intii aanu u
jihaysan Hindiya. Taasina waa sababta dawladdii Burtuqal u diidaysay, canshuurta muslimiinta. Dagaalkan Ardu al makhaasinna, waxa ku dhaliyay maadama ay Morooko ka unkantay dawladdii Sacdiyada
oo ay u baqday inay qabsato xeebaha ganacsi ee Bortuqiiska. Waxaa dabada ka riixayay dagaal muslimiinta lala galo, dadkii mudnaanta lahaa iyo ganacsatadii Burtuqiiska, oo dantooda ka dhex
arkayay. Maadama dawladii moroko ee xilligaa ka jirtay xogaa ay tabar darayd,
waxay u kala qaybsameen dadki ku noolaa laba qaybood. Kuwo yidhaahda xukunka Burtuqiiiska ayaanu hoostagaynaa oo cashuur ayaanu iska bixinaynaa iyo
xer iyadu tidhaahda annagu waanu la dagaalamaynaa.
Taaasoo u badnayan cuqaashii iyo garaaddadii deegaamadaa. Kuwaas ayay ahaayeen kuwa dagaalka ka doorta inuu maamulo cadaw ay ogyihiin ciilka ay isu hayaan inta uu le’egyahay. Waxaana meeshaa ka agdhawaa Mohamed Ibnu C/rahmaan AL hansaani, oo ku abtisanayay Alu baydka. Kaas ayay intii dagaalka iclaansatay u dhiibatay hogaankoodii. Sidaana waxa kaga baxay kuwii doonayay inay iyagu is dhiibaan, bixiyaanna cashuur sanadkiiba mar ahayd. Isla markiibana dagaalo ayay qaaday dawladii Sacdiyadu oo waxa ay kusoo ceshatay deegaamo badan oo laga haystay. 1574 ayuu Mohamed dhintay. Sidaana waxaa loogu caano shubay wiilkii oo isna loogu yeedhi jiray, Maxamed Al Muta wakil/ Maxamedkii labaad.
Muddo yar ka dibna waxa uu bilaabayba inuu dawlladii Cusmaaniyada iska u ruuriy oo waxa uu u batay dhanka siyaasad lagu tirin karo Burtuqiiska. Adeeradii oo iyagu dhaadanaa waxa uu falayo ayaa la saftay cusmaaniyadda. Waxaanay dagaalo kusoo qaadeen isaga. Magangalyo doon ayuu u aaday Bortuqiiska markii xaalku ku afkaaday ee uu arkay in laga soo hor jeedaaday. Adeerkii C/Maalik ayaa qabbtay maamulkii oo taabcansanaa Cusmaaniyada. Waxa uu soo dhaweeyay safafka ciidankiisana kusoo daray, dadkii isbayn/andaluus ka soo firdhaday, amaasiiqdi ayuu ku biirsaday, waxaana uu dalbaday saraakiil cusmaaniyiina. Si loogu tababaro ciidankiisa oo dayada dagaalyahannimo xirfadeeda looga dhiso. Dhanka kale intii ay muslimiintu abaabulkaa ku jireen waxaa la wareegay maamulkii boqortooyadii Burtuqiiska wiil la odhan jiray Sabistiyaan.
Kaasoo markii uu da’aada 3 jirka ahaa la wareegay maamulka boqortooyada. Sabistiyaan waxa uu soo uruuriyay 150 kun oo adkari. Halka morookaanku ka ahaayeen 40 kun oo askari ah. Waxaanay isugu jireen iyaguna, Amaasiiq, Morookaan, Isbaanish iyo Cusmaaniyiin. Waxaana uu dagay C/maalik oo kob dagaal u iclaantay deegaanka loo yaqaan Qasrul kabiir. Dhanka kale Sabistiyaan waxa uu ciidankiisii dajiyay, dhanka badda isaga oo rajaynaya in aan dhabarka laga jabin, gurmadkuna badda u soo maro oo aan looga marin dhankooda. Inta aanuu dagaalku bilaabminba waxa fariin diray Cabdi Al malik.
Farintaasoo ahayd,”
إن سطوتك قد ظهرت في خروجك من أرضك، وجوازك
العدوة، فإن ثبتّ إلى أن نقدم عليك، فأنت نصراني حقيقي شجاع، وإلا فأنت كلب بن كلب».
Farriinta oo u dhignayd sida tan
"haddii aad nabad
galisaan caruurtiyo maatada, na sugtaanna inta aanu idin soo gaadhayno, waxaad
tahay geesi Kiristan ah, haddii kalese miyaa, waxaad tahay eye ey dhalay." Boqor
Sabistiyaan waxa uu ka cadhooday qaabka loola hadlay isaga oo usoo duulaan
tagay halka uu boqor Cabdi Al malik joogay. Waxa uu dagaalku ka dhacay Meesha
looyaqaan Waadi al makhasim. Waxaanuu socoayay 4 saacadood oo qudha. Waxaanu
Suldaan C/maalik min toban kun oo dagaalyahan mariyaay labada garab ee bidix iyo
midig. Halka dhexda uu dhigay dagaalyahannadii ka soo cararay kiristanka iyo
kuwii deegaanka.
Suldaan C/maalik ayaa sameeyay qorshe dagaal, wuxuuna amar ku siiyay askartiisa inay ciidamada Saliibiyiinta ka go’doomiyaan maraakiibtooda, si aysan u baxsan karin, waxaanay burburiyeen buundada isku xidha maraakiibta, wuxuuna u baxay dagaalka isagoo hoggaaminaya ciidamada Muslimiinta, isagoo xanuunsanaya. Waxaana uu hogaanka u qabtay ololihii ugu horeeyey ee dagaal, isla isaga oo jeer kalena iskacaabiinayay weerarkii ugu horeeyey ee kiristanku ku soo qaadeen.Waxaanuu ku dhex dhintay teendhadiisii maadaama uu hayay xanuun soo wajahay. Suldaanku waxa uu amray in aan cidina aanay ogaan dhimashadiisa. Sidaa awgeed dhimashadiisa waa la qariyay ilaa dagaalku dhamaaday, waxaana hogaaminayay walaalkii Suldan Axmed Al-Mansur iyo qoladii Suldaanka ee Cabdil-Maalik.
Ciidankii Saliibiyiinta waa la jabiyay, qayb aad u
badanna way qarqoomeen iyagoo isku dayaya inay baxsadaan, tiro badan oo iyaga
ka mid ahna maxaabiis ahaan ayaa loo qabtay. Boqorkii Sebastian wuxuu dhintay
isagoo baxsanaya, dibu gurashana samaynaya sidaasuuna ku geeriyooday. Walow ay sheegaan in madaafiicdii dagaalku mid lahaaaday oo dilayba.
