Wali waxaan filayaa inaadan arag awrka cirka lagu sheego, marka miiga/baadiyaha la tago. Sax. Haddaba xiddigo loo yaqaan: Wadaama-goo’, Walaalki-goo’ iyo Waxwalba-goo’. Ayaa hadba mar dhan ka joogsada.

Waana xiddigo lix ah, oo ku ladhan awrka cirka, waxa ayna isu la socdaan labo labo, intooda badan xiddigahani waxa ay soo jeedaan xilliga jiilaalka oo doogga waa ay dhacaan. Gu’ga waxaa la waydaartaa marka uu dhaco Wadaamo-goo, inta ka dambaysana waa dhurasho Xagaa’.

Labada koowaad awrka qadaadka ama jeegada ayey saaran yihiin waxaa na la dhahaa, Wadaama-goo’ – Waxaa loogu bixiyey xiddigahaas “Xiddigahaasi marka ay dhacaan Sida loo waraabinayo xoolaha in wadaamihii salka/gunta ka dhacaan ama xadhkuhu go’aan, waa na jiilaalka caaradkiisa marka ay xooluhu biyo qabtaan”.

Walaalki-goo’ – Waxaa loogu aslalay marka jiilaalku dheeraado waxa aad kala guureysaan walaalkaagii aad wada dhaansan jirteen, xidhiidhka aad ahaydeen, sugaalo, soor , sahan, iyo sayn ba aad wadaagteen, balse xaaladaas iyada ah waad  jaraysaa jiilaalka awgiis. Xiddigahani waxa ay saaran yihiin dhakada sare ee awrka cirka, waxa ayna u dhexeeyaan Wadaama-goo’ga iyo Waxwalba-goo’ga.

Waxwalba-goo’ – Xilligan waxaa darnaaday jiilaakii, waxa soo muuq yeeshay wax walba oo suurto gelin kara allaysi/galbasho, xilligan intii soo hadhay waad goysay, keli uun baad noqotay, xigto, xigaalo, xidid iyo xeer beegti ba waad goysay. Xiddigahan waxa ay saaran yihiin qeybta faruuryaha ama sanka hore ee awrka”.

FG: Xiddigahani waxa ay u dhacaan hannaanka wareegga saacadda, wax walba goo’gu waxa ay imaanayaan meesha ay joogaan Walaalki-goo’gu, halka Walaalki-goo’gu tegayaan booska Wadaama-goo’ga.