---------------------------------------
Dhammaanteen waxaynnu ku noolnahay adduun uu qof kastaaba jecelyahay, in la qiimeeyo lana wayneeyo. Ayna inagu adagtahay inaynu aragno qof ina neceb. Ma jeclin aqbalaadda ah, inaynu sidooda ku liqno oo ku aqbalno, in la ina necebyahay. Dhanka kale, raadinta aynu u guclaynno inaynu helno in qof kastaaba inoo samaado, waa biyo col dhaanshay.
Nabi Muxamed (scw) ayay dhibeen falcelintii dadka uga soo noqonaysay, maadama uu diinta si dhab ah u rabay inuu dadka u gaadhsiiyo. Mana uu rabin in ummadda loo soo diray ay naarta gasho. Balse waxaa kaga soo dhex baxay shakhsiyaad ku yidhi, erayba eraygii uu ka saamayn xumaa. Ilaa heer uu gaadhay, in uu dareemo diiqad iyo laab cidhiidhi. Aayadahanina markaas ayay soo dageen.
Ilaahay waxa uu uraaciyay, inaanay macno way samayn waxa dadku leeyihiin. Balse nabiga laga rabo, in uu naftiisa ku mashquulo. In uu rabbigii u tasbiixsado kuna daro mahadda rabbigii. Ahaadana mid sujuudsan. Taasi waxay ka caawinaysay, in aanuu nabigu ka fakarin hadaladdii xanafta lahaa, ee dadku ku lahaayeen. Oo uu ku mashquulsanaado cibaado.
‏﴿وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ ۝ فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ السَّاجِدِينَ ۝ ﴾[الحجر:98]
Qodobka ah in aynnu aqbalnno nacaybka bulshada inooga imanaya, waa fikrad uu qabay saykoolajistaha Alfred Adler. Waxaana si kala dhigdhigan loogu falan qeeyay aragtidiisii, buugga (the courage to be desliked). Ayna qoreen qorayaasha reer Japan, ee Ichiro Kishimi iyo Fumitake Koga.
Fikraddani waxay caqabad iyo is hor istaagba ku noqay, aragtidii ahayd inaynu degganaan iyo nagaanshiyo ka helno, in dadku ina wada jeclaado. Oo ayba dhici waydo cid ina neceb, ama ugu yaraan wax qaldan inaga sheegta. Jabka ugu waynna waxa uu ina soo gaadhayaa, amminta aynnu danaynta aan sii ridnayn ee aadanaha aynnu u jilba joogsanno.
Inaad aqbasho diidmada dadku, waa aqbalidda dhaleecayntooda iyo inay inaga tagaanba. Waa samaynta wanaagyada, iyada oo ayna inaga ahayn i arkaay waan sameeyee. Caawinta iyo u dhibirsanaanta dadka aan awoodda lahayn, adigoon abaal kadoonayn. Waa dhiiranaanta inaad maya adeegsato, xilliga ku habboon, cidda ku habboon iyo meesha ku habboonba.
Waa inaad ogaal aad u lahaato naftaada iyo kobocaaga shakhsiyadeed, xataa haddii ay cid kale u aragto carqalad. Alfred waxa uu leeyahay, haddii aad adigiyo saaxiibkaa aad kubbada wada ciyaartaani uu dhaliilo qaabka aad kubbada u ciyaarto; balse aad hubto inaanayn waxba kaa qaldanayn oo aad xariif ma gafe ah tahay, waxba hasiiwaynayn doodda saaxiibkaa. Oo waan iska saxayaa intaa ku dheh.
Balse haddii aad la muranto, taasi waxay marag u noqonaysaa inaadan isku kalsoonayn. Haddii ay dhacdo inaad isku kalsoonaan waydana, doodda saaxiibkaa dagaal ayay kula tagaysaa. Waana lagaa gar helayaa, oo dareenkaagii caaddifadeed ayaa ka xoog batay kaagii caqli. Dhaliisha dadku ku dhaliilayaanna way sii kobci doontaa.
Badankana qof aynnaan talo ka qaadan lahayn, ayaynu dhaliilahenna ka dhagaysanna. Haddii aad qof u diidi lahayd in uu gurigaaga soo galo si aad sirtaada u ga ilaashato, sideebaad dhaliilo aad leedahay uga dhagaysataa oo uu maskaxdaada uga dhex guuxaa?
Si kastood dulqaadiyo
Dabcigaagu wacanyahay
Dadku mawada sinnee
Ruux ku diidanbaa jira.