Mid ka mid ah tuulooyinka Jarmalka waxaa jiray, ilmo reer danyar ah kasoo jeeday. Kaasoo la odhan jiray (Gaus), ahaana arday caqli badan. Caqligiisuna wuxuu ahaa mid aan la saadaalin karin! Su’aal walba oo la wadiiyo ardayda, isaga ayaa ka jawaabayay, oo markiiba la-haadayay. Waxay caqabad ku noqotay ardayda ay isku fasalka yihiin, maadama uu fursad ay uga fikiraan jawaabta uu udiidayba.

Hal mar ayuu macalinkii su’aal adag weydiiyey ardaydii ... Gauss ayaa sidii caadada ahayd degdeg uga jawaabay. Taas oo ka cadheysiisay macalinkiisii!! Halkaa kol ay sheekadu marayso, ayuu macallinkii bahal su’aala oo dhagaxa waydiiyay. Wuxuuna ku yiri:- “ii raadi natiijada. Adiga oo isku daraya tirooyinka dabiiciga ah ee min 1 ilaa 100.” Sidaana macalinku waxa uu usameeyay, si uu isaga u mashquuliyo oo uu fursad ugu helo ardayda kale ee fasalka dhigata. Shan daqiiqo ka dib, Gauss ayaa jawaabtii macallinkii siiyay, isaga oo cod xamaasad leh ku leh waa: 5050!!!!!!!
Macallinkii oo fajacsan ayaa ku yiri: “Miyaad kaftamaysaa?!” Gauss ayaa yiri: “Waxaan ogaaday inuu jiro xiriir ka dhexeeya 99 iyo 1, oo ay wadartoodu tahay = 100. Sidoo kale, 98 iyo 2 waxay la mid yihiin 100, 97 iyo 3 waxay la mid yihiin 100. sidaas oo kale macal 51 iyo 49, iyana waa 100. waxaan daahfayday tirooyin lammaane 50-naada! Haddaba, waxaan qoray sharci guud oo lagu xisaabinayo xalkooda, kaas oo ah n (n+ 1) /2, natiijaduna waxay noqotay 5050!!!.” Macallinkii aad ayuu ula yaabay garaadkiisa, mana uu garaneyn in uu xilligaas islaahaa su’aalo adag ku ciqaab, saynisyahankii weynaa: Friedrich Gauss, kaasoo ka mid ahaa saddexdii xisaabyahan ee ugu caansanaa taariikhda.
[Dhammanteen waxaynnu isku soo taagnaa dad Ilaahay hibo usiiyay garaad badni, innaga oo isku xoqxoqna kadibna yasna. Balse iyagu waa iyaga ee, xalal iyo ictiraacyo ayay ku hawlanyihiin. Ixtiraam qof kasta oo yaqaanna waxaanad aqoon, adiga ayuu ixtiraamka kugu soo celinayaaye.]