Haddii maanta adduunka laga isticmaalo lacago waraaqo ah, taasi way kuddaysay saaxiib oo dhawaan waa laga guurayaa. Sida Zaad, Edahab iyo Evc ay ugu jiraan lacago aan la arkayn, ayuu adduunku isu rogayaa.
Cryptocurrency oo sidoo kale loo yaqaan crypto, waa nooc kasta oo lacageed oo u jira, hab digitally ama virtually ah sida lacaha aynu soo sheegnay.
Lacageenna aynu sticmaalo baanka dhaxe ama mid shirkadeed ayaa maamula, balse lacagahani malaha middaa oo waxa loo yaqaanaa decentralized system. Cryptocurrency waxay tahay digital payment System. Iskumana hallaynayaan inay cid kale hubiso in la diray iyo cidda dirtayba. Waana waxa loo yaqaan peer-to-peer oo lamacno ah, inaanuu qof saddeexad idiin dhaxayn karin oo toos ayay qofkii ugu tagaysaa. Innagu hadda lacago ayaynu lasoo baxnaa oo wax ku gadaanaa.
Cryp-tadu si caadiya ayay u shaqaysaa, uguna jirta online databases, iyadoo aan waxba lagaa qarinayn xawilaadaha ku saabsan. Marka aad lacag dirtid waxaa lagu kaydinayaa public ledger wax loo yaqaan oo lamacno ah, goob xisaabeed cid waliba daalacan karto.
Sidoo kale Crypto waxaa lagu kaydsan karaa boorsooyin/wallet digitaal ah. Al-macnow haddii aad boorso lacag ku qaadan jirtay dollar ah, hadda lacagtani waa mid aan la arkayn, boorsadeeduna waa lamid oo internetka ayay ku jirtaa. Maadama lacagahani ay yihiin kuwo la adakeeyay waxa ay ka samaysan yihiin, algoorisamyo encryption-ah. Waanad u baahantahay aad isticmaasho cryptocurrency wallet/boorso.
Lacaga crypro-toda waxaa ugu horraysay Bitcoin, taasoo la aasaasay 2009. Waana ta ugu caansan ee aynu ka naqaanno lacagaha Crypto-da. Bitcoin waxay leedahay wax loo yaqaan coins. Kuwaas oo la iibsado iyado oo faa'iido maal gashi laga sugayo. Coins-ka malaha qolyihiina Titok ayaa aad u yaqaana. Maadama lacaga loo badasho coins si loogu diro qof kale.
Cryptocurrency waxay dhex mushaaxdaa si ay u shaqayso loogana arko public ledgers, tignoolajiyada loo yaqaan Blockchain. Taasoo ay ku duubanyihiin isku xawilaadda cusub iyo kuwi hore. Waaxanay taageerta midaynta lacaglayda lacagaha cryto-da oo dhan. Waxayna u abuuranyihiin hab ama qaab loo yaqaan mining. Kaaso ku lug leh computer powers si uu u xaliyo, xisaabaadka kakan dhibaabahooda.
Dhalliyarada wali jaanis haysta waxaan kula talin lahaa, in ay suuqyada Forex iyo Crypt-daba ka shaqaystaan. Waar Facebook, Youtube, Tiktok, Blog, Instagram iyo boqolaalka website ee lamid ka ahba, lacag ayaa laga sameeyaa oo waad ogtihiin. Inshaa Allaah, ynu isku dayno inaynu lacago kasamayno. Waad mahadsantihiin saaxiibaya