Maalin ayaa macalin waydiiyay ardaydii jaamacaddiisa, “haddii afar shimbirood oo geed sarani, ay saddex kamida go’aansadaan inay duulaan, immisaa ku hadhay geedkii?" Dhammaan waxay ku jawaabeen 1 mid ayaa ku hadhaysa.
Si ka disa ayaa waxaa uga soo horjeedsaday arday, isaga oo sheegay in 4 ay ku hadheen. Macalinkii ayaa way diiyay, sababma ayay ugu hadheen? Ardaygii ayaa ku jawaabay, “Waxaad tidhi way go’aansadeen balse maad odhan wayduuleen. Go’aan qaadashaduna lama mid aha fulinta/samaynta. Waanataa sababtu."
Dhammaanteen go'aanno dedeg ah ayaynu nolosha goosannaa. Badankeenna maqalka aynu shey maqalni, ayaa inaga xiga uun falcelinteeda. Siiba waayadan la joogoo, seefla boodada iyo hubsiimo la'aantu waa jaantaa rogan. Taasina waa sababtii ay Soomaalidii hore uga maahmaaheen, iyaga oo leh: "Hubsiimo halbaa la siistaa." Waar inaad wax hubsataayi waa marag maddoon, ee wakhti iyo walaxba ha kaaga jiraan.