Ismaaciil Haniyeh (wuxuu dhashay 1962?, Al-Shaṭiʾ xerada qaxoontiga, ee marinka Gaza) waana siyaasi falastiiniyiin ah iyo hogaamiye ururka Xamas ah. Kaas oo u soo shaqeeyay qaab ra'iisul wasaaranimo ee maamulka Falastiin (PA) 2006-07, kadib markii Xamaas ay ku guulaysteen inta badan kuraastii 2006, dhanka doorashooyinka sharci dejinta ee Falastiin. Ka dib dagaal dhex maray iyaga iyo kooxdii ka soo horjeeday ee Fatax. Waxaa dhacday in dawladda la kala diro, oo la dhiso maamul ay Xamaas hoggaamiso, kaasoo katalinaya marinka Gaza, Haniyeh waxa uu noqday hoggaamiyaha dawladda dhabta ah ee Marinka Gaza (2007–14). Sannadkii 2017 waxaa loo doortay inuu beddelo Khaled Meshaal madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas.

Ismaaciil waxa uu ahaa wiil ay dhaleen waalidiin Carab - Falastiiniyiin ah, kaasoo ka barakacay tuuladoodii u dhawayd Ashqelon (oo hadda ay la wareegeen Israa'iil) noloshiisa horena ku qaatay xerada qaxootiga ee Al-Shaṭiʾ ee Marinka Gaza, halkaas oo uu ku dhashay. Sida caadada u ahayd carruurta qaxootiga ah, Haniyeh waxa uu wax ku bartay dugsiyo ay maamusho Hay'adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin ee Bariga dhow (UNRWA), taas oo sidoo kale siisay gargaar cunto iyo dawo dadka deggan xerada. Sannaddi 1981kii Haniyeh waxa uu iska diiwaan galiyay jaamacada Islamiga ah ee Gaza, halkaas oo uu ku bartay suugaanta carabiga. Waxa kale oo uu ku firfircoonaa siyaasadda ardayda, isaga oo hoggaaminayay urur ardayeed oo Islaami ah, kuna xidhan Ikhwaanul Muslimiin.
Markii kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ay aasaaseen 1988-kii, Haniyeh waxa uu ka mid ahaa xubnahooda da'da yarka ah ee aasaasay, isaga oo xiriir dhow la yeeshay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda, Sheekh Axmed Yaasiin. Haniyeh waxaa xiray mas'uuliyiinta Israa'iil 1988-kii. Waxaana lagu xiray lix bilood ka qaybqaadashadiisii ​​ugu horreysay ee kacdoonkii intifada (kacdoon ka dhan ah qabsashadii Israa'iil). Intifada, mid ka mid ah laba kacdoon oo caan ah oo Falastiiniyiin ka dhacay. Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro qabsashada Israa’iil, ee dhulkaas iyo abuurista dawlad madax bannaan oo Falastiiniyiin ah. Intifada ugu horeysay waxay bilaabantay Diiseembar 1987 waxayna dhamaatay Sibtembar 1993. Markii la saxeexay Heshiiskii Oslo ee ugu horreeyay, kaas oo u muuqday qaab gorgortan nabadeed ah, oo u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta. Intifadadii labaad, oo mararka qaarkood loo yaqaan Al-Aqsa intifada, waxay bilaabatay Sibtembar 2000. Labada kacdoon ayaa sababay dhimashada in ka badan 5,000 oo Falastiiniyiin ah, iyo ilaa 1,400 oo Israa'iiliyiin ah.
Waxa mar kale la xidhay 1989 waxana uu ku jiray xabsiga ilaa ay Israa'iil Haniyeh u tarxiishay Koonfurta Lubnaan. Waxa uu Gaza ku soo noqday 1993kii ka dib heshiiskii Oslo. Markii uu soo laabtay waxaa loo magacaabay hormuudka Jaamacadda Islaamiga.
Doorkii Hoggaamineed ee Haniyeh ee Xamaas waxa uu xididaystay 1997-kii markii uu noqday xoghayihii gaarka ahaa ee Yaasiin. Waxa uu ahaa nin aad ugu kalsoon hoggaamiyaha ruuxiga ah inta ka hadhay nolosha Yaasiin. Labadan qof ayaa bartilmaameed u ahaa isku-day dil oo ay Israa’iil fulisay sannadkii 2003-dii, inkastoo Yaasiin la dilay dhowr bilood kaddib.
Sannadkii 2006 Xamaas waxa ay ka qayb qaadatay doorashooyinkii sharci-dejinta ee Falastiin, iyada oo Haniyeh uu hoggaaminayay liiska. Kooxda ayaa ku guuleysatay inta badan kuraasta baarlamaanka, Haniyeh wuxuu noqday ra'iisul wasaaraha PA. Ururada caalamiga ah ayaa uga fal celiyay hoggaanka Xamas, iyaga oo hakiyay gargaarkii ay siin lahaayeen PA, taas oo culays dhaqaale oo weyn saaraysa guddiga maamulka. Bishii Juun 2007, ka dib bilo xiisadeed oo ay ku jireen iska horimaadyo hubaysan oo u dhexeeya kooxaha, Mad. Maxamuud Cabbaas oo ka tirsan xisbiga Fatax ayaa shaqada ka ceyriyay Haniyeh oo kala diray dowladdiisa.
Natiijadii ka dhalatay ismari waagaas ayaa ahaa dawlad iskeed u madax bannaan oo Xamaas hogaamiso, oo ka jirta marinka Gaza, oo uu hogaamiye u yahay Haniyeh. Wax yar ka dib, Israa'iil waxa ay dhaqan gelisay cunaqabataynno dhanka Marinka Gaza, iyada oo Masarna ay kula socoto. Ka dib markii gantaallo badan laga soo tuuray Marinka Qaza, iyada oo la bartilmaameedsnayo Israa'iil Janaayo 2008. Israa'iil iyaduna waxay miciin bidday inay sii xoojiso go'doominta.
Si kastaba ha ahaatee, Xamaas ayaa weli gacanta ku haysa marinka Gaza, waxaana xukunkeedu uu u dhexeeyey guulo siyaasadeed oo marmar ah iyo dib u dhacyo soo gaadha. Marka la eego tanaasulaad ka heshiisyada Israa'iil, Xamaas waxa ay xaqiijisay sii deynta in ka badan 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysatay Israa’iil, si ay ugu beddelato askari Israa’iili ah oo lagu magacaabayay Gilad Shalit, oo ay gacanta Falastiiniyiintu ku hayeen. Hawlgalladii Xamaas ee dhanka dagaallada ay kula jirtay Israa’iil xagaagii 2014, waxay u arkayeen dadweynaha reer Falastiin guul ay gaadheen. Balse cunaqabataynta saarnayd, ayaa ahayd fallaadha ku taagnayd, ee ay la gilgilan kariwaayeen.
Dhanka kale, waxaa jiray isku dayo dhowr ah oo lagu heshiisiinayay Xamaasta Marinka Gaza iyo FA-ga uu hoggaamiyo Fatax ee Daanta Galbeed. Mid ka mid ah isku daygaas oo dhacay 2014, garabka dawladeedee Xamaas ee Gaza, ayaa ganafka ku dhuftay, inay sii waddo dawlad midnimo leh ay la yagleelandoonaan Fatah. Markii ay arrimubu dhankaa ukala dhaceen, Haniyeh wuxuu ka tanaasulay jagadii ra'iisul wasaaraha. Waxa uu ahaa hogaamiye deegaaneedka ururka Xamas ee Gaza. Ilaa uu bedelay Yahya Sinwar 2017. Bilo ka dib, Haniyeh waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, isaga oo uu isna bedelay Khaled Meshaal.
Bishii Disembar 2019 Haniyeh waxa uu ka huleelay Marinka Gaza, isaga oo bilaabay inuu ku noolaado Turkiga iyo Qadar. Isaga oo laba jibaaray kartidiisa uu ku matali karo Xamaas dibadda. Booqashooyinkiisii ​​ugu caansanayd waxay ahayd aaskii Qaassim Sulaymaani. Kaasoo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), oo lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, bishii Janaayo 2020, iyo caleema saarkii Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, bishii Agoosto 2021.
Dabayaaqadii bishaas, markii ciidamada Maraykanku ka baxeen Afgaanistaan, Haniyeh waxa uu u yeedhay hoggaamiyaha Taliban Abdul Ghani Baradar, si uu ugu hambalyeeyo ka bixitaankii Maraykanka ee dalkiisa. Bishii Oktoobar 2022 Haniyeh wuxuu la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Assad, kulankii ugu horeeyay ee hogaamiyaasha Xamaas iyo Suuriya tan iyo markii Xamaas ay xidhiidhka u jartay, dhiciddii kacdoonkii Suuriya.
Intii lagu guda jiray dagaalkii Israa'iil iyo Xamaas, Haniyeh wuxuu hogaamiyay ergada Xamaas ee wada xaajoodyada ay dhexdhexaadinayeen Qatar iyo Masar. Bishii Abriil 2024, iyada oo ay socdeen wadahadalo xabbad joojin ah, saddex ka mid ah carruurta Haniyeh iyo afar carruur ah oo uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil qaadday. Bishii Maarij madaxa dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah, ayaa ku dhawaaqay inuu u raadin doono waaran qabasho Haniyeh, Sinwar, taliyaha Hamas Mohammed Deif, Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant, dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Ugu danbayn waxaa la dilay Ismaaciil Haniyeh, isaga oo jooga Iiraan 31 Julaay 2024.