Badankeenna oo aan uga jeedo dhallinta kacaantay ka gadaal burburkii dawladdii Soomaaliya, iyaga ayuu culayskii burburku dhabarka u saarmay. Maadama kuwii burburka abaabulay intii dhimatay mooyee, intii kale badidoodu dhulyaal iyo bukaan socod tahay. Waxaana jira arrimo keenay in aynnaan madaxaba kor u qaadin, oo qoolkaa dib u guradka ah ku jirno. Oo dee waabuu inagu rooree aanuba ina dilin. Waxaana ka mida:
1. Dagaalkii sokeeye. Dhiciddii dawaldii kacankii uu gadh-wadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waddanku waxa uu cagaha dhigay dagaallo sokeeye oo naf iyo maalba ku basbeeleen. Iyada oo illaa wakhti xaadirkan, aysan jirin xal waara oo dawlad ama nabad buuxda laga dhex xasilin, ummada Soomaaliyeed.
2. Dhibaato maamul iyo hogaamiye xumo: Siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal ayaa u tafa xayta inay nabad ka dhex al-kumaan uunkaa Soomaaliyeed ee la isku salliday, balse way ku hungoobaan. Waxaanay qaarkood waayeen, taagero iyo garab istaag ay ku meel mariyaan, qorshayaashooda is badaleed. In waddanku kharribmona maamul xumada iyo khilaafaadka siyaasadeed, ayaa sal u ah burburkiyo baaba’a. Mid kastoo yimaaddaana, marka u arko inaanuu dadku u bislayn dawladnimo, ayuu faraqyada buuxsadaa. Waa hadba wixii uu qaadi karee wakhtiguna u samaxo. Saasuunbayna ku wadaan, oo dadkuna kama ilbaxaan kii meesha yimaada iyo kasoo socdaba.
3. Saameynta Kheyraadka Dabiiciga ah: Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida dhul-beereedka iyo biyo-xidheennada, ayaa noqday isha isqabqabsiga. Qaybaha kala duwan ee bulshada iyo kooxo hubeysan ayaa midba kan kale ka xigtaysanayaa. Oo uu rabaa inuu gacanta ku dhigo kheyraadkaas. Taasoo kordhisay khilaafka iyo dagaallada.
4. Faragelinta waddamada qalaad: Faragelinta dalalka shisheeye iyo ururrada caalamiga ah, ayaa sidoo kale saameyn wayn ku leh burburka. Faragelintasi dadka qaar kamid ah ayay tageero siisaa. Halka qaar kale iyagana ururo iyo dawlado kale soo tageeraan. Waa lafo geel iyagaa la isku jabshaa uun. Halka kuwa kalena ay dhibaatooyin iyo qalalaaso abuur waddanka u fara-geliyaan.
5. Gargaarka iyo Hay’adaha Caalamiga ah: Maadama uu dan aan la huri Karin u yahay gar-gaarka caalamiga ahi; dadka gaajada iyo rasaasta u dhimanayaa, haddana waxaa jira is maan-dhaafyo ka jira, qaabkii ay hay’aduhu wax u maamuli lahaayen. Waxaana ay sababaan nidaam xumo, ay ka dhashaan hadhow musuqmaasuq iyo xatooyo. Isla wixii deeqda loogu talo galayna, in dadkii bilaashka loogu qaybin lahaa laga iibiyo.
6. Qabyaaladda iyo Qabiilka: Markii uu waddanku burburay waxa kaliya ee aqoonsi ah ee sii nagaaday, ayaa ahaa qabiilka. Kaaso lagu kala saarayay dadka iyo deegannadooda. Dabciga aadana ayay sad bursi iyo korodhso hiddaysanayee, qabiilba qabiilkii uu u arkayay in uu dhul ama deegaan ka qaadi karo, ayuu u tafa xaytay. Tanina waxay sii laba jibbaartay, aanooyinkii iyo godobihii qabiileed ee qabyaaladdu tarmisay. Taasoo ilaa hadda aan soo af-meer lahayn. Isbadaayee, halkoodii u saraysay iyo figta ayay ka lulanayaan. Haddii cidiba ciidda kale hubka wax gumaadda u heli lahaydna, habeen ayay sidii hilib jab-dhan ah, ugu shiili lahaayeen. Kudarsoo dadkaasi waa nin iyo abtigii, oo labada reeroodba waa laga barooranaya.
7. Dhaqaale xumo: Burburkii dhaqaale ee dalka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa, xaaladda wadanka. Markii waddanku burburay 1991-kii, waatii lawada boobay hantiid dadka iyo dawladdaba. Wixii dawlado kale laga iibin karayay, wa laga iibiyay. Intii soo hadhayna, isla iyada ayaaba burbur kale oo hor leh abuurtay. Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, isbitaallada, iyo iskuulada ayaa iyana burburay, waaxanay sii xumaysay xaaladda guud ee dalka. Kuwa aanooyinka qabiilka ku waxyeelooba, intooda aan dhimanee dhiig baxaysaa, iyana waxay u naf waayaan dhakhaatiir iyo gargaan la’aan.
