Marmarka qaar ma jirayso wakhti la sugaayi, ma jirayso furaad labaadi iyo wakhti hadhay midna. Ama waad bilaabi ama waad baan-dhayn.

Dhammaanteen magaalooyinka ayaynu ku wada noolnahay - se meel kale ayaynu fursadaha ka eegaynaa. Waxaynuna moodnay kolkaa, in aysan jirin meel laga heli karo fursadaha aynnu rabno. Laakiin maxaa dhacaya haddii fursadahu ay inagu wareegsan yihiin, keliyana ay sugayaan in la ogaado? Taasina waa waxa ka dambeeya fikradda isbeddelka leh, ee Aragtida Baabuurka Cas/Red Car Theory.
Waxaa ku dhaafa boqolaal baabuur oo casaan ah markaad bannaanka u baxdo, qiyaastii maalin kasta adigoon si caadiya u arag. Waana macquul in baabuurtaa casi, aanay ku jirin ogaalkaaga/fakarkaaga. Balse haddii laguu sheego in lagu siin doono $100; baabuur kasta oo cas oo aad soo aragto, waxaad bilaabi lahayd inaad si firfircoon u raadiso baabuurta cas, oo meel kasta ka fiiriso/eegto.
Aragtida Baabuurka Cas ayaa sheegaysa in aan inta badan seegno fursadaha, sababtoo ah ma raadinno iyaga.
Fikirkan toolmoon, ayaa si weyn u bedeli kara maskaxdeenna. Innagoo ku tababarayna maskaxdeenna, si ay u raadiso fursadaha. Aragtidan haddaynu dabaqno, waxaynu dhuganaynaa, inaynu u daymo lahaanno fursadaha maalin kasta. Daqiiqado yar yar ayaana noqon kara, albaab inoo furma oo wax wayn ka bedeli kara nolosheenna. Kaliya haddii aynu baranno inaan raadino baabuurkaa cas, ee sarbeeban/daahsoon.
Talooyiin aad ku bilaabi karto, dabbiqidda aragtidan.
Set Clear Goals: Qeex hadafyadaada iyo wax yaalaha aad rajaynayso inaad gaadho. Siiba darafyada kala duwan ee noloshaada, sida: shaqada, horumarka shakhsi ahaaneed iyo kuwa xidhiidhba.
Stay Curious: U fiirso xiisaha iyo baahida aadka u wayn, ee aad u qabto aqoonta. Baro oo raadi khibrado iyo fikrado cusub, xitaa haddii ay bilawga hore ay u muuqdaan, kuwo aan xidhiidh la lahayn yoolalkaaga.
Network and Connect: La shaqee dadka kugu xeeran, qof waliba fursad ayuu soo arkay oo ogyahee. Kor u qaad wada sheekaysiga, ka qaybgal goobaha fursadaha lagaga hadlo, dhisna xidhiidho kuu horseedi kara fursado lama filaan ah.
Continuous Learning: Maal-gelin ku samee naftaada, oo baro aqoon iyo xirfado. Raadi koorasyo, goobo shaqo ama ila kale oo kugu hagi kara yoolkaaga.
Embrace Change: U fur-furnow inaad isbedel sameyso - oo aad la qabsato duruufo cusub. Mar marka qaarkood fursadaha ugu fiican waxay soo baxaan, marka aynu go'aansanno inaynu ka baxno, aagagga gadhaynta/raaxada/comfort zones.