Sawirkan waxaa lagu sifeeyaa inuu yahay sawirkii ugu fiicnaa taariikhda dhakhaatiirta. Waa Dr. Zbigniew Religa, kadib qalliin wadne beeris ah oo uu sameeyay. Sawirka ayaa la qaaday sanadkii 1987, ka dib markii uu qalliin wakhti dheer ah uu sameeyay. Dadka ayaa isku khilaafa wakhtiga ay ku qaatay, balse waxay sheegaan in ay ku qaaday wakhti u dhaxeeyaa 13 ilaa 23 saacadood. Waxa uu fadhiyaa dacalka bukaanka, isaga oo aan sugayn in sawir laga qaado, ee sugaya in uu sikin sikin ula sodo, shaashad taalla dhankiisa midig oo uu xaaladda bukaanka kula socdo.
Si uu ula socdo xaaladda bukaankiisa, taasoo uu masuuliyad wayn ka saarnayd. Mid ka mid ah kalkaalisooyinkii la shaqaynanayay oo daallan, ayaa tabcaannimo iyo hurdo kula dhacay, geeska midig ee sawirka. Waxaa xusid mudan in sawirkan loo doortay mid ka mid ah 100-kii sawir, ee ugu fiicnaa taariikhda National Geographic.
Isa saarka aynu isa saarno masuuliyad shayga aynnu gacanta ku haynno, waa ammaan aynu nafaheenna iyo shaqadeennaba u soohoynay. Haddii aynu nolosha sidaa daacadnimada ah ugu dedaali lahayn, waxba inagama xumaadeen. Ufiirso Dr. Zbigniew Religa, wax hurda ah oo ka soo dhawi ma jirto. Waxa uu aammmisanyahay haddii uu seexdo, in hurdadu la tagto oo kadibna bukaankiisaasii uu xijaabto.
