Hodhac:
Xisaabtu waa luqadda koonku kuwada hadlo. Waxayna ka taageertaa fahamkeenna dhinacyo kala duwan, min cilmiga dabiiciga ah ilaa tignoolajiyada, farshaxanka, dhaqaalaha, iyo falsafadda. Waxay door aasaasi ah ka ciyaartaa, qaabaynta fahamka adduunka inagu xeeran.
Xisaabta waxaynu ka baranna xidhiidhada, cilaaqaadka, iyo qaababka. Iyadoo bixinaysa hab la hubo oo macquul ah. Si loo fahmo loona falanqeeyo mabaadi'da aasaasiga ah ee xukuma xaqiiqadeenna. Waxay daaha ka qaadaysaa nidaamyo dahsoon iyo isku xidhnaanta ifafaalooyin kala duwan, taas oo awood inoo siinaysa in aan dhawrno qaababka dabeecadda, cabbirrada xidhiidhada, iyo inaynu samayno saadaalo ku saabsan, habdhaqanka nidaamyada.
Taariikhda Xisaabta:
Taariikhda xisaabtu waxay soo kacaantay kumannaan sano ka hor, laga soo bilaabo ilbaxnimooyinkii hore, ilaa nidaamdii tirooyin ee ilbaxnimooyinkii qadiimka ah, ilaa heerkeennan casriga ah sida sirdoonka macmal ah. Waana ay qaabaysaa fahamkeenna adduunka, iyada oo loo marayo tirooyin iyo sabab macquul ah.
Maxay xisaabtu muhiim u tahay?
Xisaabtu waxay muhiim u tahay nolosha, maadaama ay kobciso xallinta mashaakilaadka iyo fikirka tolmoon (problem-solving and critical thinking), kobciso aragtideena adduunka, oo ay kor u qaaddo akhris-qoraalka dhaqaalaha. Waxay albaabada u furaysaa shaqooyin kala duwan, waxay horseeddaa hal-abuurnimo, waxayna tahay mid si waajiba loogu adeegsado xaaladaha maalinlaha ah, kobcinta horumarka garashada, waxayna awood u siinaysaa qofku in uu guul shakhsi iyo mid xirfadeedba gaadho.
Laamaha Xisaabta:
B- Arithmetic: Arithmetic-gu waa hawlaha aasaasiga ah ee tirooyinka, sida isku-darka, kala-goynta, isku-dhufashada, iyo qaybinta. Waa salka aasaaska xisaabta, waxaana loo adeegsadaa xisaabinta maalinlaha ah.
T- Algebra: Aljabradu waxay ku lug leedahay barashada calaamadaha xisaabta iyo wax-ka-beddelka isla'egyada iyo tibaaxaha. Waxa ku jira mawduucyo ay ka mid yihiin doorsoomayaasha, isla'egyada, polynomials, functional, iyo matrices.
J- Geometry: Joometri wuxuu diiradda saaraa sifooyinka iyo xiriirka qaababka, xariiqyada, xaglaha, iyo tirooyinka labada dhinaclaha iyo saddex -cabbirlaha (two-dimensional and three-dimensional spaces). Waxa ku jira joomatari Euclidean, trigonometry, iyo joomatari kala duwan.
X- Calculus: Calculus waxay xooga saartaa isbeddelka iyo dhaqdhaqaaqyada(change and motion). Waxayna ka koobantahay laba waaxood oo waawayn.
• Differential calculus: taas oo ka hadlaysa heerarka isbeddelka iyo jiirada qalooca (rates of change and slopes of curves).
• Integral calculus: iyana waxay ka hadshaa isu-ururinta iyo aagga qalooca hoostooda (accumulation and area under curves.)
Kh- Probability and Statistics: Ixtimaalku/Probability waxa uu ka hadlaa suurtagalnimada in dhacdooyinku siday u dhacaan. Halka tirokoobyadu/ Statistics ay ku jiraan ururinta, falanqaynta, fasiraadaha, soo bandhigida, iyo uruurintaa xogta. Laamahan ayaa si weyn loogu isticmaalaa dhinacyada sida maaliyadda, cilmi-baarista, iyo falanqaynta xogta. Laamahan ayaa si weyn loogu isticmaalaa dhinacyada sida maaliyadda, cilmi-baarista, iyo falanqaynta xogta.
D- Number Theory: Aragtida nambarku waa barashada sifooyinka iyo xiriirka tirooyinka, iyadoo diiradda saarta tirooyinka oo dhan(whole numbers, tirooyinka mutuxan/prime numbers, qaybsanaanta, iyo tiro nashqadeedka/ number patterns. Waxay leedahay isticmaal ku saabsan cryptography iyo kombiyuutar sayniska.
R- Discrete Mathematics: Xisaabta Discrete waxay ka shaqaysaa qaab-dhismeedka iyo walxaha xisaabeed ee kala duwan oo la kala saari karo, halkii ay ahaan lahayd mid joogto ah. Waxa ku jira mowduucyo ay ka mid yihiin isku-darka, aragtida garaafyada/graph theory, iyo caqli-galnimada/ logic, waxayna lama huraan u tahay kombiyuutarka sayniska iyo cryptography.
S- Mathematical Logic: Macquul xisaabeedku waxa uu baadhaa hababka caqli-galnimada ee rasmiga ah iyo mabaadi'da sababaynta saxda ah. Waxa ka mid ah caqli-gal soo jeedin ah/ propositional logic, caqli-gal saadaalineed/ predicate logic, iyo caqli-gal astaameed/ symbolic logic.
Sh- Mathematical Physics: Fiisigiska xisaabtu waxa uu khuseeyaa hababka xisaabta iyo farsamooyinka lagu xalliyo mashaakilaadka fiisigiska, sida qaabaynta xisaabta/ modeling, isla'egyada kala duwan/ differential equation, iyo quantum mechanics.
Dh- Applications of Mathematics:
• Natural Sciences:
Xisaabtu waxay lama huraan u tahay dhanka fiisigiska, kimisteriga, iyo bayoolajiga. Iyada oo gacan ka geysanayta qaabaynta iyo fahamka isku qasanka dhacdooyinka/complex phenomena.
• Technology and Engineering: Xisaabtu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa kombiyuutarka sayniska, injineernimada, iyo falanqaynta xogta/data analysis.
Art and Aesthetics: Xisaabtu waxay saamaysn ku leedahay aragtida muusiga, fanka muuqaalka, iyo naqshadaynta qaabdhismeedka, taas oo gacan ka geysata muuq dhismeedka iyo is waafaqsanaanta.
Economics and Finance: Xisaabta waxaa loo adeegsadaa falanqaynta dhaqaalaha, maaliyadda, iyo maareynta khataraha.
• Statistics: xisaabtu waxay aasaas u tahay falanqaynta xogta iyo samaynta go'aanno xog ogaalnimo ah.
• Cryptography: xisaabtu waxay hubiisa ilaashananta xidhiidhada iyo xog dhowridda/data encryption.
Logic and Philosophy: xisaabtu waxay ka caawisaa sababaynta maan-galka/ logical reasoning iyo nidaamyada rasmiga ah.
• Medicine and Biology: xisaabtan waxa lagu shaqeeyaa sawirista caafimaadka, qaabaynta hababka noolaha, iyo horumarinta daawooyinka.
Social Sciences: xisaabta waxaa lagu dabaqaa cilmiga bulshada/sociology, cilmi-nafsiga/psychology, iyo daraasadaha dadweynaha.
• Environmental Sciences: xisaabtu waxay caawisaa habaynta cimilada iyo falanqaynta deegaanka/ ecological analysis.
Gabagabadii, Xisaabtu waa luuqad caalami ah oo dhinac kasta oo nolosha ka mid ah ka gudubta, taas oo daaha ka qaadaysa habab iyo qaab-dhismeedyo adag oo ka jira adduunkeenna. Waxay ina siisaa cilmiga dabiiciga ah, farsamada, farshaxanka, dhaqaalaha, iyo falsafadda. Adeegsiga xisaabtu waxay sii qoto dheeraysaa fahamkeenna xidhiidhka isku xidhan ee koonkeenna, iyada oo inagu hagaysa, inaynu baadhno oo ayu qadarinno yaababka wax kasta oo inagu xeeran.
