Dr. Mustafe Maxamuud Alle u naxariistee ayaa yidhi: "Shan kun oo sano ka hor, qofka qoob ka cayaaraha ahi, waxa uu ka lacag samayn badnaa, in kabadan qoraaga. Sidoo kale, durbaan garaacuhu waxa uu isna ka lacag badnaa nijaarka, roodhilaha iyo farsamo-yaqaanka.
Hadii aynnu maanta Einstein ku casuumilahayn dood cilmiyeed; kadibna aad sidoo kale casuumilahayd qof dumara oo qaawan war-saxaafadeed, dhagaystayaashu waxay ka tagi lahaayeen Einstein iyo aqoontiisa, waxayna ku soo ururin lahaayeen haweenaydaa qaawan, iyaga oo kumannaan gaadhaya.
Tani ma aha qaladkeenna. Balse, waxaa keenay xaqiiqda ah in dadka intooda badan ay yihiin doqomo, dad rabitaankoodu uu xukumo, iyo addoommo wixii ay gacloodaanba daba gucleeya. Sidaa la'jligeed, waxay dhiirigeliyaan arrimaha aan micnaha lahayn, iyaga oo ka soo weecinaya kana soo hor jeedsanaya muhiimadda iyo arrimaha culus..!"
[Dhammaanteenna waxaynu dhagaysannaa kuweenna ugu akhasaysan. Qaar qabyaalad iyo cuqdadi googooysay. Kuwo galmo wareerisay, se aan aqoon galmeed iyo fahan midna ka haysan waxay tahay galmada iyo shahwaduba. Kuwo dalka wax ka sheegaya, iyaga oo leh waa goobta kaliya ee meeraha dhulka ku taal, ee aan noloshu dhadhanka ka lahayn.
Haddii aad is waydiiso habaynkii markaad sii seexanayso, wixii aad ka faa'iiday wixii saaka buuq siraadnaa iyo is qabsi, waxba ayaa kuu soo baxaysa. Ka fogaada mawduucyda aan idin qusayn. Qasab maaha inaad ka falcelisaan wax walba oo aad aragtaanee. Garaadkiinna iyo sharftiinnana u tudha, oo yaanuu hadal idinka tagin. Kana muuqda meelaha aqoonta iyo cilmigu ka ifayo, oo yaydaan ka soo bidhiiqin mugdiga iyo gudcurradaa raba inay ina marooqsadaan.]