Bob Marley waxa uu ahaa fannaan reer Jumayka ah. Isaggu waxa uu ahaa abwaan, laxamiiste iyo fannaanba. Erayada uu la soo shirtagi jiray cidna kumay adkayn, oo waa lafahmi jiray. Macno ballaadhanna way gudbin jireen.
Markii uu maraykanka tagayna, waxa uu la kulmay tacadiyadii ay caddaanku wadeen, taaso ku kalifta markii uu Jumayka kusoo noqday, inuu qaato diinta Rastafariyada. Diintan oo asal ahaanba u tiirisa wax walba Africa.
In shay walbana uu qaaraddan madaw ka yimi. Boqorkii horee Itoobiya, Xayla salaase ayaa ahaa midka isagu caqiidadan aaminsanaa. Waana ta ay sheegaane, calanka Itoobiya ayaa isla diintan ka turjumaya. Midabbada huruudda, casaankiyo cagaarkana qudhooda ayaa loo aaneeya.
Hiladdii 1966 ayuu Jumayka soo booqday Xayle, waxaana soo dhaweeyay kumanaan shacab Jumaykaan ah. Iyagoo usoo dhaweeyay, si aanay madaxdooda usoo dhawayn. Waaxanay u arkayeen Rasuul ay mudantahay waynayntiisu.
Bob wuxuu noqday xiddig heesihiisaha lagu murqaamo. Sideedaba markaa aad noqoto qof bulshada ka dhex muuqda, waxaa jiraysa dad kuu arkaya inaad liddi ku tahay iyaga.waxaana qabtay indhaha ururo qarsoon iyo dad dana gaara wata.
Iyaga oo usoo ban dhigay xidhiidho wax is dhaafsi oo danaysi ah. Isagu se ganafka ayuu ku dhuftay, oo wuu ka badheedhay. Ururadaas oo dadka qaariba si u qaadaa dhigaan, waxay sheegaan qaarkood inay Maansooniyada tahay, qaar kalana CIA-da Maraykanka.
Ugu danbaytii waxay ahaadanba ee, way dileen oo kabo ayay irbad sumaysan u dhexdhigeen. Markii uu xidhayna waxa uu gartay inay shirqool ahayd. Sababtaas, ayuuna ugu dhintay cudurka Kansarka. Midkamida heesihiisii samaaynta lahaa waxaa ka mid ahayd, heestii (Could you be loved). Erayadeedana waxaa kasii mid ahaa:
"Don't let them fool ya
Or even try to school ya, oh no
We've got a mind of our own
So go to hell if what you thinkin' is not right
Love would never leave us alone
Ah in the darkness, there must come out to light
Could you be loved then be loved?
Now could you be loved, woah yeah, then be loved?"