Charlie Chaplin ayaa yidhi, “Anigoo yarbaan aabbahay u raacay, meel bandhig lagu qabanayay. Saf dheer oo aannu ku jirnay si aannu tikidhka u qaadanno, waxaa naga horreeyay qoys ka kooban 6 carruura, aabbahood iyo hooyadood. 

Dharkoodu waxay ahaayeen kuwa duuga, balse nadiif ayay u muuqdeen. Carruurtu waxay ka sheekaysanayeen, sida bandhiggu noqondoono oo way faraxsanaayeen. Markii ay soo gaadhay inay tigidhka qaataan, ayuu aabbiihii carruurta dhalay ka xumaaday inaanuu lacag hayn. 

Aabbahay ayaa $20 jeebka kasoo saaray, inta uu dhulka ugu tuuray si iskabayn ah, ayuu haddana soo qabtay oo ninkii ku yidhi, ‘aday kaa dhacday lacagtani ee qaado’. Ninkii inta uu aabbahay eegay ayuu ku yidhi, ‘mahadsanid mudane’. Markii ay galeen gudaha, ayuu aabbahay gacanta i qabtay oo safkii igala baxay, sababtoo ah waxa uu hayay ayaaba ahayd $20. 

Tan iyo maalintaas, waxaan ku faani jiray aabbahay! Xaaladdaasi waxay ahayd, bandhiggii ugu quruxda badnaa, ee aan abid daawado nolosheyda!!  Xataa waxa uu igala qurux badnaa, bandhiggii aannu u soconay. Weligay waxaan rumaysnaa, in waxbarashadu/tarbiyayntu ku salaysan tahay ixtiraam iyo naxariis, ee aanay ku salaysnayn hanjabaad iyo jidhdil!”’

[Ubadku ficilkasta oo waalidkood sameeyo, way diwaan galinayaan, noloshoodana saamayn ayuu ku yeeshaa. Carruurtiina bara naxariista iyo in dadka loo tanaasulo. In ay dareemaan baahida dadka kale, ka hor inta aan iyaga wax la waydiisan. Way kugu faanayaan, kaa sheekaynaya, kuu xiisaya oo xataa ku jeclaanayaan ee, ubadkiinna u naxariista.]