Cornea/xuubka/il-xaydha isha waa qaybta uu dhex maro araga ishu ama iftiinku. Mana laha wax xidid ah oo dhiigga keena. Maadama dhiiggu waxa ugu badan ee uu jidhkeena uu ka qabtaayi tahay inuu Oksajiinta jidhka gaadhsiiyo iyo nafaqada, kana saaro wixii qashin ah.  Cornea waa qaybta kaliya ee isha ku taal, ee aan lahayd xididdo dhiigga usoo waarida. 

Saasoo ay tahay waxay ka heshaa Oksajiinta hawada caadiga, marka isheennu furantahay maalintii. Habaynkiina qaybta loo yaqaan 'Palpebral conjunctiva' oo iyadu ah waxa loo yaqaan Vascularized- ama qayb xididdo badan, kuna taala baalka isha gudihiisa ayaa habaynkii Oksajiinta iyo nafaqada ku siisa habkii la odhan jiray (Diffuses) ama baahitaanka. 

Iyaga oo ka imanaya 'Palpebral conjunctiva capillaries' siina dhex maraya tear film-ka, kadibna gaadhaya Cornea ama il-xaydha isha. Taasina waa sababta Ilaahay inoo leeyahay: 
".ÙˆَجَعَÙ„ْÙ†َا اللَّÙŠْÙ„َ لبَاسًا * ÙˆَجَعَÙ„ْÙ†َا النَّÙ‡َارَ Ù…َعَاشًا."

Waxaana isu dheelli tirmaya labada Oksajiin. Laakin kawaran haddii habeen oo dhanna aynu moobal kusoo jeedno, subaxii oo dhanna hurudno? Meesha miyaanay macaashkii maalintu iyo xasilkii caafimadkuba ka baxayn?