Marka aynu dagaalada ka qayb qaadanno; dhammanteen waynu isbadalnaa, innaga oo fahanna sababta aynu u dagaalamayno. Filimada: All Quiet on the Western Front, The Forgotten Battle, The War Below, 1917, The Man with the Iron Heart iyo kuwa kaloo badan haddii aad daawato, waxaad la dareen ahaan doontaa, kuwa la dhaawacay, la jarjaray ee xataa naftoodii kuwaayay.
Waxaad la dareen noqonaysaa, kuwa cabaadaya, kuwa naftu kasii baxayso ee neeftuuraya iyo kuwa isdilaya inta aan cadawgu qaban. Waxaad la murugoon doontaa kuwayawga la dilay iyaga oo wax badbaadinaya. Waxaad la farxad iyo dareen noqonaysaa kuwa leh rajo kasta oo ay guryahoodii ugu laabanayaan. Marka aad filimadan daawato, waxa aad dhaadaysaa qofkasta oo dagaal iyo fawdo ku baaqaa, inaanu ogayn macnaha dagaalka.
Taliyayaashu waxay bixiyaan amarro ay madax waynahoodu biciyay: sida ay doonaanna wax ayay ullaayaan. Madaydadku waxay quud u noqdaan, bahala bogga iyo beerku gaajada isugu dhagay. Halka ay sugayaan carruurtoodii iyo xaasaskoodii, naawilayaanna soo laabashadooda. Iyada oo anay habayaratee jirin soo laabasho.
Rajooyin ayaa ku luma, farxado ayaa lagu gawracaa, geeri iyo kala fogaanshana waa lagu abqaalaa. Dhimashadu waa xeer kamida nolosha oo cidna ma diidana: balse marka kii kula socday ay leefaan sumucyada rasaastu, waxaad nafta meel u dhigaysaa, inay iyaduna tahay ta xigta.
Baroorta, murugada iyo basanbaaska ay reebaan colaaduhu, waa kuwo aan qalbiyada abid ka tirtirmin. Mid mid marka aad u aasto asxaabtaadii, macno buuran kula yeelan-mayso noloshu, oo waxa aad goor iyo ayaanba rajaynaysaa, inaad adna si dhakhso ah u xijaabato. Dagaaladu waxay ina baraan inay ahayd inaynu dadkoo dhan jeclaano, ee anay ahayn inaynu nacayb iyo fogaansho seesno.
Marka ay dhimanayaan, ayay reebayaan hal haysyo ay ku muujinayaan, micno la'aanta nolosha. Iyaga oo sameeyay kibir kasta, oo ay awood u adeegsanayan. Tusaale: Aadan Galaydh colaaddii iyo dagaalkii uu galay, waakii ugu danbayn ku dhintay. Waana tii lagahayay odhaahdii hal hays noqotay ee, "Adduuni qatal."