Waaligii Tigreet u qaabilsanaa Cabbasiyiinta ayuu ahaa Yuusuf Binu Ayuub. Alaabana waxa uu ku hawraari jiray, waan jeclaan lahaa inaan guursado gabadh Ilaahay ka dhawrsata oo wiil ii dhasha, kaasoo xoreeya Qudus. Maalin isaga oo kobtiisii kambadhuudha, waxa ay dhegihiisu dhugteen, nin maamusleh oo gabadh ka codsanaya guur.

Balse ay ugu warcelisnayso, waxaan sugayaa nin Alle ka cabsi leh, Ilaahayna nakala siiyo wiil xeeladaha dagaalka yaqaana, oo farda fuul sooma jeesta ah. Magaalada Qudusna xoreeya. Kanshadaa kama uusan daahin ee, inta uu doontay ayuu guursaday. Waxayna dhaleen Salaaxu Diin Al-Ayuubi. Sidii ay filayeenna waxa uu furtay Qudus. Kaliya may ahayn inuu iska furtay ee, waa lagu soo barbaariyay. Waxaanuu aamminsanaa inuu furanayo. 

Doorta qofka aad ogtihiin in uu idinku habboon yahay, oo aad isku wadiiqo jaanta u wada rogaysaan. Waxay u badantahay, inaad wada gaadhaan ee. Oo qofna maal iyo mood midna haku xulanina. Kuna xusha han iyo hannaan qofnimo. Sideedabana in ubad adduunka wax kabadala aad dhashaayi ma fududa. Se waa haddii aabaha iyo hooyaduba isku jabadyihiin. 

Soomaalidii horena waxay halhays ka tagtay, "Wiilkaagu wuxuu hiil kaaga baahanyahay, maalinta aad hooyadii raadinayso." Maadama oo dadkeennii hore ay ku yarayd caaddifadu, waxay ahaayeen kuwo wax walba sal uga dhiga garaadka. Jacaylkuna ceeb ayuuba la'aahaaba. Kuwa maanta joogaana, jacayl iyo calaacal ayaa isu xiga. Qalbi jab iyo oohinbaa lala dadanyahay. Waa duul aan aqoon sababaha jacaykoodu ku dhidbanyahay iyo udub dhexaadkiisa. Waar u jeedku waa caqligaa horeeya, dareenka jacayl ee ay caaddifadu hor booddaana waa ka danbe.