Mid ka mid ah qorayaasha Japan kuwooda ugu mudan ee maamuska ku leh. Waana qoraa ku xeel dheer sheekooyinka (Fiction-ka/khiyaalka ah) waxaana kamid aha, <Norway Forest>, oo la daabacay 1987, lagana iibsaday in ka badan 4.3 milyan oo nuqul, si saa’idana waxaa looga iibsaday adduunka intiisa kale. Sidoo kale waxa uu qoray oo iyana aad loo iibsaday <1Q84> iyo <Kafka on the shore>.
Waxaana uu leeyahay caadooyiin uu sheego, inay heerkan mudnaanta u sameeyay, ay soo gaadhsiiyeen.
Routine/caadooyin
1- Tasks/hawlaha = qoraal (5-6 saacadood)
2- Exercise/Jimicsi = 10km orod/ 1500m dabaasha (ama labadaba) (1 ~ 2 saacadood)
3- Rest/Nasasho: akhris, dhegaysi muusig (7-8 saacadood).
4- Hurdo (7 saacadood)
Waxa ugu muhiimsan ee hawshiisa qoraalka u qurxiyaayi waa, qaab nololeedkiisa uu ku dhidbay joogtaynta. Hubaashii wuxuu tibaaxay, inuu aaminsanyahay xeerarka/rules-ka iyo anshaxa/discipline/تأديب. Balse aanuu aaminsanayn talent/hibada iyo genius/عبقري/caqli badnaanta.
Waxaa uu seexdaa habaynkii 9:00PM, waxaana uu subaxii xurdada ka toosaa 4:00AM. [Murakani waxa kaliya ee aad kaga yaabayso caadooyinkiisa ayaa ah, wakhtiga yar ee nasashada ugu jira, waxa uu akhriyaa buug ama Muusig ayuu dhagaystaa.
Waraysi uu siiyay 2004 Paris review, ayuu yidhi, "waxaan joogteeyay oo aan ilaaliyay caadadayda, walina maan badalin. Inaad shay soo celcelisaa ogow waa shaqo muhiima. Waxaanan odhankaraa waa qayb sikirka kamida, inaad gaadho sagxadda hoose ee maskaxdaada.
In shay la joogteeyo ayuu ku amaanan yahay ninkani. Nabiguna (scw) wuu inoo shegay joogtayntu dhadhanka ay leedahay haba yaraatee.
Waxaan uu nabigu yidhi:
"(( Ø£ØØ¨ُّ العمل إلى الله عز وجل أدومه وإن قلَّ ))."
"Camal waxaa loogu jecelyahay dhanka Alle, haba yaraadee kan la joogteeyo."
[Qaababka uu sawirada u galo legend-kaasina waan ka helaa. Kkk]