1- Marka aad dhallinyarada ku dhex jirto ama dadka kaleba, qofba fikir iyo xogo u gaar ah ayuu ku raranyahay. Marka ay noqoto in farriimo la isu diro dadku waa dhaw qaybood. Tusaale:
B. Qofbaa aamminsan qoraalka loo soo qoro, haddii uu isla markiiba ka falceliyo, uu qofka farriinta soo diray u arkayo qof bilaa macniya oo wakhtigiisa sidan dadka ugu jawaaba. Amaba isaga ku naxsan, oo ay mudantahay in uu xooga ah aanu war celin oo uu sugo. Muddo 30 ama 15 daqiiqa kadibna, qofkaa farriintiisa fura oo ka jawaaba.
T. Qofkale ayaa isagu aamminsan haddii farriin loo soo diro, ay ku qummantahay inuu markiiba ka jawaabo. Sababtoo ah, waxa uu qofkaasi ilaashankaraa wakhtigiisa oo jaanis in uu kalumo ayaanuu jeclayn. Ama waxa uu aaminsanyahay, in ay ixtiraam iyo qadarintahay, in uu markiiba farriinta ka fal celiyo. Sidaana uu markiiba kuugu soo jawaabayo. Isaga oo ku dareensiinaya, mudnaan aan dheel ahayn, oo aad agtiisa ka mudantahay.
2- Marka ay noqoto in dad loo baahdo ama qof hawl uu qofkale uga baahday rabo inuu qof kale kula eerto, iyadana laba qaybood ayay dadku u arkaan.
B. Waxaa lagayaaba in qof uu waydiisto qof kale arrin uu uga baahday. Qofka wax looga baahday waxaalagayaa inuu qaabkan u fakro oo uu yidhaahdo: " Miyuu waallan yahay, maxaa kasiya, yuunnamooday? Dadku waa cajiib oo marka ay wax kaaga soo baahdaan ayay kusoo xasuusanayaan. Horta waa yaabee ma Ilaahaybaan ahay? Haddan xataa hayo masiiyeen. Waar wuxu caqli xumaa. Imuusoo waceenee war baanuu iga ahayn. Wallee haddaad dhimanayso inaanan ku qab teen. Waa dadka kusoo wacaya markay baahi ama dani kaasoo gasho noocani."
T. Halka qofkale aamminsanyahay, haddii uu qofkale wax uga soo baahdo, uu qofkaa agtiisa mudnaan aan dhayel ahayn ku leeyahay. Maalinta wax la soo waydiisto, aad ayuu u farxaa. Waxa uu ogaadaa inuu yahay qof mudan in la soo xasuusto, marka ay xaaladuhu adkaadaan. Xataa haddii aanuu hayn waxa la soo waydiistay, cudurdaarasho iyo inuu bixin lahaa ayuu ugu qalbi qaboojiyaa qofkaa dantu kasoo gashay. Marka ay kala faaruqaanna waxa uu naftiisa ku canaantaa, in maanta uu hebel ubaahday oo uu isaga oo afara madhan ka noqday. Middaasina ay nafsiyan u dhibto oo uu isku canaanto.
Waar isku soo wada duuboo qofkastaaba waxa uu la dheeldheliyayaa, baaxadda iyo ballaadhnaanta ballaca badda masaafo xogo iyo macluumaadyo ah. Kuwaasoo uu dheellitir ugadhigo, dhacdooyinka nolosha. Noqo qof dhanka togan wax ka eega, kaliyana waa iga talo walaalnimo.