Feminism/Dheddig-nimo/Naagnimo
Waa aaminsanaanta ay aaminsanyihiin dumarka qaar kamid ahi, inay leeyihiin xuquuq iyo jaanisyo lamida kuwa ragga. Sida; dhaqaalaha, lab iyo dheddig kay rabaan iyo in ay fikirkooda xor u yihiin.

Waxaa jirtay waxay ugu yeedhaan (Waves) ama hirar hadba mar soo ka cayay, oo Feminist-ah. 

Hirka koobaad/ Fist Wave Feminist, ayaa ahaa 1848 ilaa 1920. Markan waxay rabeen waxay ahayd inay helaan waxbarasho, doorasho ay ka qayb galaan iyo hanti ay u madax bannaanaadan. Maadaamoo ay intaaba anay helayn.

Hirka labaad/ Second Wave Feminist, isagu waxa uu ahaa 1960 ilaa 1970. Wuxuuna ka hadlayay in ay dumarku xaq u leeyihiin dareenkooda galmeed, ninkay rabaanna la seexankaraan lana noolaan karaan. Inay rabaan inay nin noqon karaa, yeelankaraan/samaysan karaanna xubinta ninka. wax kasta oo ninku leeyahayna ay iyagu uga mudanyihiin. In qashqashaadaha goobaha shaqo laga joojiyo. Iyo sinnaanta guud ee bulsheed inay helaan.

Hirka Saddexaad/Third Wave Feminism, waxa uu ahaa 1990 ilaa 2000. Markan waxay la soo shirtageen inay u olaleeyaan xuquuqda dumarka midabkooda lagu sooco, kuwa naafada ah, haweenka la haybsooco iyo ururada LGBTQ+. Mawjaddani si toosa waxay uga hortimi dhammaan dhaqamadii iyo diimiihii qofku aaminsanaa. Maadaama xor laga noqonayo dhammaantood.

Waxaa la rajaynayaa in ay soo socdaan mawjado/hirar Feminist ah, kuwaasoo la jaanqaadaya waaqacan iyo tignoolajiyada casriga ah. Waxaana ka mida qodobada ay ku doodi doonaan, in caddaalad loo helo sinnaanta dhalmada. Al macno in ninkuna dhalikaro sannadkiisa, gabadhuna dhali karto keeda. Waana qayb kamida LGBTQ+, oo ah Trans-gender.

Waxay sameeyeen maalinta haweenka adduunka, si ay garab uga helaan dumarka adduunka. Hirkii 1aad ayayna ahayd qorshahani. Waxaanay aasaaseen u dabaaldaga maalintan March 8, 1857. Waxaanan arkayay hablo soomaaliyeed oo aan ogayn maalintan, soona dhigaya sawir iyo faallo u dhigan sida; naagnimo, haweenimo iyo dheddignimo. 

Lagayaabaa in gabdhaheenna sharafta leh in ayna si fiican u fahmin, naagnimo/feminist. Ama xaalado adagoo nololeed, oo ay qaar kood ku jiraan loogu soo dhuuntay. Waxaase madhacdo ah,  in nin Soomaaliyeed walaashii, xaaskiisa ama hooyadii goob shaqo nin ku qashqashaado oo ku taabto. Taasna dhimasho ayuu ka xigaa. Umana baahna gabadha Soomaaliyeed nin difaaca, oo garbaheeda waxa boodaya rag ilaalinaya oo anay lacag kusiinin. 

Way jiraan rag ka soo bixi waayay masuuliyaddii reernimo ay qaadeen oo dayacay. Way jiraan hooyooyin suuqa yaanyo ku iibiya oo duurafaysan. Raggoodiina afkaaro qabiil iyo siyaasadeed lagu dhammeeyay. Way jiraan oo jiraan ..... Balse waxasi waa wax la iska baraarujin karo oo la iska qaban karo. 

Haddiise afkaaro kale inasoo dhex kala galaan innagoo horeba u yaaban, laba daraf ayaa loo kala jabayaa, bulshadaasina sidaas ayay kugu daysay. Waxaan mar walba soo xasuusta ayaad ku jirta suuradda At-Talāq 65:1, taasoo Ilaahay ina leeyahay:

  وَتِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ ۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ اللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُ ۚ 
Waxaa jira xuduudo/xayndaabyo Ilaahay, qofkii ka gudba xayndaabyadaasina waxa uu dulmiyay naftiisa oo qudha. Al macnow dhibku isaguu ku eekaanayaa.