Waxa uu dhashay hilaaddii 1864-kii, bishii Abriil. Waxaanuu ku dhashay meel u dhaxaysa widhwidh iyo Buuhoodle. Yaraantiisii waxa uu kusoo dhex barbaaray, abtiyadiis oo Dhulmahate ahaa. Waxa uu barashada Quraanka bilaabay 7 jirkiisii. Waxaana uu dhammeeyay Quraanka 10 jirkiisii. Nin rageed ayuu ahaayee, 5 sano ka dibna isaga ayaaba malcaamad furtay. Markii uu gaadhay 19 sano, waxa uu gaadhay darajo loogu yeedho Sheekh Maxamed.
Waxaanuu wax ka bartay 12 sheekh, oo uu darsiyadooda aqooneed dhagta u dhaadhiciyay. Labaatan jirkiisiina waxa uu u safray waddammo dibadda ah sida: Keenya iyo Suudaan, uuna kusoo koradhsaday aqoontiisii diineed. Mar uu Maka joogay Sayidku, waxa uu kula kulmay Sayid Maxamed Saalax, aabbihii dariiqadda Saalixiyada oo uu duruus badan ka qaatay.
Waxa uu yimi magaalad Berbera, uuna ka bilaabay fidinta Dariiqadda Saalixiyada. Hilaaddii 1897 waxaa Sayidka u yeedhay Shuyuukhdii iyo culima-awdiinkii magaalada Berbera, si ay bal u ogaadaan farriinta ay gudbinayso dariiqaddiisa Saalixiyadu. Waxaana goobtaa joogay macallinkii Sayidka Quraanka baray, Sheekh Cabdulle Caruuse iyo Sheekh Madar oo isna ahaa aabbihii Qaadiriyada ee Hargeisa.
Sharaxaddii Sayidku sameeyayna way ku qanceen, oo wax dhiba umay arag dariiqaddan cusub. Waxaana raacay macallinkiisii Caruuse. Sida ay sheegaan dhacdooyin uu kala kulmay magaalada Berbera, ayaa Sayidka ku kalifay in uu jihaad diimeed galo. Maadaama uu u arkay in diintii islaamku si fudud faraha uga sii baxayso.
Dhacdooyinkii la kulmay Sayidka; ee ay sheegaanna waxaa kamid ahaa, mar uu wiil yar la kulmay waydiiyayna magaciisa, wiilkiina ugu jawaabay waxaa la i dhahaa "Joon Cabdillaahi!"
Sayidku waxa uu aaday dagayna Buuhoodle oo uu salka ku dhigtay, taageero badanna ku helay. Waxaana uu uruusaday qalab dagaal iyo xoolo. Si tartiib tartiiba ayuu u xoogaystay oo uu u helay dad Soomaaliyeed, oo dhiigga iyo diintaba ku raacaya.
Sayidku waxa uu galay dagaallo xoogle, waxaana kamida weeraradaasi dagaalkii Daraawiishta iyo Ingiriiska dhex maray sanadkii 1914-kii. Dagaalkii ka dhacay buuraha Gumbuuraha 17 Abriil waxa gaashaanbuurtii Talyaaniga Itoobiyo iyi Ingiirka lagu soo gaadhsiiyay khasaare dhaqaale oo aan yarayn.
Markii ingiriisku arkay inaan waxba laga qabankarin awoodda Sayidka, waxa uu u soo diray nin la odhan jiraya Sir R. Wingate, oo ahaa Guddoomiyihii Suudaan u fadhiyay Ingiriiska. Balse Sayidku wuu ku gacan saydhay, heshiiska kasta oo uu Ingiriis lala galayo. Hilaaddii 1910-kii ayuu Ingiriisku hubeeyay dadkii Isaaqa ahaa, si uu iyaga isugu baabi'yo maadama xurguf qabiileedi ka dhaxayso. Sayidkana ay badankoodu ka soo horjeedeen.
Dhanka Dhulmahate ma uusan siinin wax huba Ingiriisku, maadaama uuna kamid ahayn ximaayaddii Ingiriiska. Ingiriiskii markii uu dadkii hub isugu dhiibay, isagu wuu isku aamini waayay wadanka, dadkiina way isku halaagmee oo waatii dhacday abaartii la magac baxaday (Abaartii Bakhti Cuna/Time of eating filth) sanadii 1912-kii.
Markaas ayay muuqatay in Ingiriisku ku fashilmay siyaasaddiisa gurracan, ee aan meelna gaadhsiisnayn. Ingiriisku waxaa uu diyaariyay ciidan uu uga hortagayo Sayidka, oo uu hoggaan uga dhigay nin lagu magacaabo (Richard Corfield) Soomaaliduna u taqaan "Koofil."
Dagaal dhacay sanadkii 1913-kii ayaa ay isku wajaheen Daraawiish iyo koofil, oo ciidamadiisi hogaaminaya. Dagaalkaasina waxa uu ka dhacay magaalada Burco duleedkeeda, meel looyaqaan dulmadoobe. Waaxanay Daraawiishtu u taqaanay dagaalkaa "Ruuga". Waxaana goobtaa lagu dilay koofil. Sayidkuna waakii ka tiriyay gabaygii ay ku jirtay, " Adaa koofiloow jiitayoon, dunida joogaynee". Waxaana lagu daabacay dhacdadaa, wargaysyada ka soobaxa magaalada London.
Muddadii u dhaxaysay sanadihii 1914 -1918, Ingiriisku muu samayn wax dhaq-dhaqaaq milatari ah oo Daraawiishtu way xooganayd. Balse waxaa daraawiishta wiiqay hubkii lagaga qabsaday, goobtii caanka ahayd ee Shimbirberis 1915-kii. Sidoo kale waxaa dhaawacay goyntii laga gooyay Daraawiishta, wadadii uu hubku usoo mari jiray. Waxaanu Ingiriisku sanaddii 1920-kii si heer caalami ah u abaabulay ciidamo cir, dhul iyi badba leh. Taasina waxay sababtay in uu Sayidku u firdhado dhankaa iyo galbeed.
Ingiriiska ayaa u diray Sayidka ergooyin kala duwan. Waxaana uu u diray wiilkii Sheekh Madar, oo markaa madax u ahaa Qaadiriyada. Lana odhan jiray Sheekh Cabdillaahi Sheekh Madar. Ergadaana ganafka ayuu ku dhuftay damacoodii ahaa inuu Sayidku is dhiibo.
Sayidku waxa uu u baxday Magaalada Iimay, sanadii 1920-kii, Bishii Actoobar. Halkaasoo ay ka dhisteen dhufaysyo adag. Waaxanay magan galyo waydiisteen Itoobiya, balse way diiday inay aqbasho dalabkaa ah magangeliyada Sayidka. Waabuu xanuunsaday Sayidku, waxaanuu geeriyooday Diiseembar, sanadkii 1929-kii. Waxaanay ay ahayd da'aaddiisu 56 sannadood. Walow uu guursaday dumar badan, haddana carruurtiisii waxaa laga xusaa inay ka noolaayeen, sagaal wiil iyo hal gabadh.
Waa macquul inuu Sayidku ahaa nin xun oo dad badan oo Soomaaliyeed laayay; balse waxaa maragmaddoon ah, inuu ahaa geesi waddani Soomaaliyeed ah, oo ay ku waynayd diinta islaamka iyo dhaqankeennii Soomaaliyeed. Isla markaana naftiisa uu u huray sidii ay ummadda Soomaaliyeed, ugu noolaanlahaayeen sharftoodii iyo qabkoodii. Wuxuuse inay nastaan u diiday Ingiriis,Talyaani iyo Itoobiyaan.