Bal u fiirso, Eygu waa xayawaan daacad u ah aadanaha, oo ay adagtahay in uu khiyaamo. Iyaga ayuu la joogaa oo uu ka agdhawyahay aalaaba. Sifo walba oo uu wanaagiisa uu ku muujin karana wuu sameeyaa. Wax walbana wuu uga tanaasulaa, sidii uu kalsoonida dadka u heli lahaa.
Waxaa isna jira xayawaan jecel gooni u socodka, oo aanay bini'aadamku rabbayn karin. Wuu cunayaa ama iyaga ayaa dilaya. Waa ugaadhsade aan loo babac dhigi karin. Waxa uu leeyahay hogaammin lala dhaco iyo qaab nololeed ay dadku kaga daydaan. Maadaama aanu jeclayn, qoolka iyo dabarrada aadanaha. Xaywaankaasina waa Yeyga.
Waxaa jira is waydaar cajiiba! Eyga oo aynu soo sheegnay dabeecad iyo dhaqan wanaagiisa, dadku ma sharfaan kaalinta uu inoogu jiro. Iskabaddaa sharaf ee, kooda ay liidayaan ayay ugu yeedhaan magaca Ey. Tusaale: Ey ey dhalay, Ey-yahow foosha xun leh, Ey-yahow urayaa iyo qaar kaloo badan.
Halka Yeyga marka ay noqoto ka hadalkiisa, uu dhankooda ka yahay muqaddas. Way wayneeyaan oo sharfaan. Ilaa heer ay ku tilmaamaan kooda ugu geesisan ee qori caska adkaha ah. Tusaale: Hal-Yey.
Dadku sidoodaba ma jecla wax waliba inay 100% noqdaan oo saxmaan. Sababtoo ah, dhinnaanshiyo iyo nusqaan ayay la joogaan adduunka korkiisa. Sidaa daraaddeed, qofka ama xayawaanka daacadda u noqda, dhankooda macne buuran kama yeesho.
Nabi Muxammedna waakii inagu lagaa (NNKH),
''وازهد فيما عند الناس يحبك الناس"
"Ka dheerow waxa dadku haysto, iyagaa ku jeclaanayee"
"Don’t waste your time and energy trying to convince people to value you. If you have to fight for their attention and respect, it’s time to move on."
"Ha ku lumin wakhtigaaga iyo tamartaada, inaad dadka ku qanciso inay ku qiimeeyaan. Haddii aad uba dagaalamayso dareennadooda iyo ixtiraamkooda, hadda waa wakhtigii aad hore uga socon lahayd."
Lori Deschene
Dabciga dadka ayaa aalaaba ah inay raadiyaan dabeecadaha ka maqan iyo sifooyinkooda. Sidee adiga oo aan dhammaystirnay, aad u matashaa kaalinta dhammaystirnaanta?