Dow
theory, technical iyo fundamental analysis
Charles Henry Dow (Nov – 4, 1851 – Dec. 4, 1902) waxa
uu ahaa falanqeeye hantida madax goyska, ee suuqyada dhex mushaaxda. Waxa uu
ahaa dhaqaale-yahan garaad badan. Sidoo kale, waxa uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay
ee cabbira, isku xidhka stock-yada faraha badan, si uu u abuuro index/tusmo jaangooya dhaqdhaqaaqooda. Loona al-kumo tuse dhaqaale, oo muu jinaya dhaqaalaha qaranka. Taasoo uu u bixiyay, Dow Jones Industrial
Avrage (DJI).
Dhanka kale, dhammaadkii qarnigii 19-aad waxa uu
aasaasasay Wall Street Journal, isaga oo bixin jiray boqolaal maqaallo ah, oo
uu kusoo uruuriyay fikradihiisii ku aaddanaa, suuqyada iyo dhaqaalaha guud. Nasiib
xumo se, ma uusan qorin wax buug ah. Stock-yadu/saamiyadu mar waa “bid up” ama “sold
down” marka loo eego qiyaasahaa dadwaynaha, ee ku aadan mudnaanta ay kala
leeyihiin shirkadaha gaarka ahi.
Haddii baahida/ demand dadku ka badato dalabaadkoodii/supply,
qiimuhu wuxuu ahaanaya mid kor u socda/bid up, ilaa soo iibsadayaashu ay raali
ka noqonayaa, oo joojinayaan soo iibsashada. Dhanka kale, haddii codsiga saamiyo
badani dhaco oo ka badan intii dalabku ahaa, hoos ayuu u dhacaa qiimaha sicirku,
ilaa lasimo oo la is le’ekaysiiyo supply/ dalabka iyo deman/baahida markale.
Dow Jones & Company waa shirkad caalami ah oo ka
shaqeysa warbaahinta dhaqaalaha iyo suuqyada saamiyada, waxayna noqotay mid
caan ah oo bixisa wararka dhaqaale iyo tusaalayaal suuqeed. Waxaa la aasaasay
1882 iyadoo uu qayb ka ahaa, Charles Dow iyo laba qof kala ahaa, Edward Jones
iyo Charles Bergstresser.
Dow Jones Industrial Average (DJIA):
DJIA waa index/tuse laga isticmaalo suuqyada saamiyada
ee Mareykanka, wuxuuna cabbiraa qiimaha 140-ka shirkadood, kuwaaso ugu waaweyn suuqa saamiyada ee New York (NYSE). Charles
Dow iyo Edward Jones ayaa sameeyay DJIA, si ay u qiimeeyaan guusha iyo
is-beddelka suuqa saamiyada ee Mareykanka. DJIA waxaa la aasaasay 1896, wuxuuna
noqday index-ka/tusaha ugu caansan ee lagu isticmaalo suuqyada saamiyadaha. Si loogu
cabbiro xaaladda dhaqaalaha iyo suuqyada saamiyadeed ee Mareykanka.
Aragtida iyo Falsafadda Dow:
Charles Dow wuxuu aaminsanaa in suuqyada saamiyaduhu
ay muujinayaan xaaladda dhaqaale ee guud. Sidaas darteedna (DJIA) wuxuu noqday,
tusaale muhiim ah oo loo adeegsado su'aalaha ku saabsan dhaqaalaha iyo suuqyada
saamiyada. Aragtidiisu waxay taageereysay, in suuqyada saamiyaduhu ay muhiim tahay in ay yeeshaan indicators (muujiyayaal), taasoo ka turjumaya xaaladda dhaqaale
ee guud.
Tusaalooyinka Fikirkiisa:
Dow wuxuu sidoo kale caan ku ahaa "Dow
Theory", oo ah aragti ku saabsan suuqyada saamiyadaha iyo sifo dhaqaaleedka.
Dow Theory waxaa lagu isticmaalaa analyzing trends (falanqaynta jihooyinka) ee suuqa
saamiyada, taasoo caawimaad ka gaysanaysa, in la fahmo xidhiidhka ka dhaxeeya
suuqa saamiyadaha iyo dhaqaalaha guud.
Aragtida Dow waxay aaminsan tahay, in suuqu uu
leeyahay saddex isbeddel (trends/jiho): Primary trend, Secondary trend iyo
Minor trend.
Gunaanad:
Charles Dow wuxuu ahaa hal-abuure iyo aasaase muhiim
ahaa, oo ku caan baxay suuqyada saamiyadaha iyo warbaahinta dhaqaalaha. Wuxuu
aasaasay Dow Jones & Company, wuxuuna soo saaray Dow Jones Industrial
Average (DJIA), oo noqotay mid ka mid ah index-yada ugu caansan ee lagu cabbiro
suuqyada saamiyada ee Mareykanka. Aragtida Dow Theory waxay sidoo kale ka mid tahay,
falsafadaha dhaqaale ee loo adeegsado falanqaynta suuqyada saamiyadaha. Sidoo
kale waxa uu qayb kayahay istaraatiijiyada forex, ee uu isticmaalo ganacsade/macalin
C/wali Macalliimuu.