Dadku inay kala wacyi ahaadaan waxaa u sabab ah, deegaanka iyo hadba cidda ay xidhiidhka la leeyihiin. Qofkuna wuxuu astaan u yahay deegaanka uu joogo. Tii uu ka yimi, sifada iyo waxa laga aamminsanyahay labadaba. Berigii hore waxaa ceeb ahayd in la isku sheego reer magaal, oo ceeb iyo yaxyax ayaa la dareemi jiray. Haddase, taasi waxay noqotayba maqluub, oo waxa la isku cayaaba reer miyi ayaad tahay. Sidanina ceeb ma`aha, oo hadba kooxda badan ayaa jaan goysa waxa ay inta kale noqonayaan. Xataa haddaad u fiirsato xoolaha wadaalaha ah, marka magaalada la keeno shay kasta oo guuxaba way ka didaan.
In xadhig qoorta loo galiyana ma aqbalaan, oo surka
ayay meermeeriyaan iyaga oo didsan. Iskuma cunaan bariiska, baastada iyo
shaaha. Sidoo kale; karaatoonta iyo bacaha uma dhawaadaan, oo waxa ay raadiyaan
uun caws iyo biya ay yaqaannaan. Marka sayladda xoolaha la keenana, waad dhaadaysaa inay reer
miyi yihiin, oo ay magaalada ka fiigsanyihiin. Dhanka kale, xoolaha magaalada la
qabsadaa kama didaad guuxa gadhiga. Qaarbaaba marka ay baabuurta ka hor kici
waayan, la jiidhaaba. Kuwa kalena waxaa looga duwaa sida alaab oo kale. Hush iyo wax u dhawna uma hinqadaan.
Tanina waxay xataa inoo hoga tusaalaynaysaa, in xataa xoolihii uu gaadhay, la
fal galkii deegaanka iyo hab-daaqoodiiba.
Dadkaasina markay la qabsan waayeen, waxay ku cataabi
jireen, inaanay meeshani meel ahayn dhawr sababboodba.
1- Cabsida
isbedelka- aadanuhu sidiisaba ma soo dhaweeyo isbadalka. Waxa uu ka cabsadaa,
qaabkiisan uu u noolyahay, inuu waayo oo baasaysi ayuu ku asteeyaa.
2- Aqoontiida
oo xaddidan- marka uu qofku ama xayawaan uu yimaado meel aanuu afkeeda iyo
dhaqankeeda waxba ka fahmayn, waxa uu ku mitidaa wixii uu haystay. Taasina
waxay ku riixdaa, in difaac iyo caadifad uu ku hubaysnaado. Soomaaliduna waatii
tidhi, “Nin dhoofay kaa dhimay”.
Markii ay Qurayshi nabi Muxamed (SCW) Makka kasaarayeen,
ee ay quraba-joogga ka dhigayeen, waakii kuu sii tiraabayay nabigu, “
“ما أطيبك من بلد، ÙˆØ£ØØ¨Ùƒ
إلي، ولولا أن قومي أخرجوني منك ما سكنت غيرك
“Ma dhulkaa wanaagsan ayaa jira. Waanan isla kaa jecelahay.
Haddii ayna tolkay iga kaasari lahayn, miyaan goob kale degilahaa.”
Mar uu tilmaamayay xiisaha waddankiisii wakii isna
lahaa: “
شيئان يغيران نظرتك
للØÙŠØ§Ø© المرض والغربة”
جبران خليل جبران-
“Labada shay ee baddalaya
aragtida noloshaadu waa, xanuunka iyo dhul-shisheeye”
-Jubraan Khaliil Jubraan
Waayihii hore dadku wada reer miyi ayuu ahaa, oo qof
iyo dhif ayaa Yaman oo xilligaa ahayd meeshii ugu mudnayd in loo dhoofo, u
safri jiray. Qof reer miyi ah, oo deegaankisii ku lahaan jiray kaalin aan
dheyel ahayn, marka uu tago meel aanu waxba ka ahayn, waxa uu tabi jiray sidii
uu u ahaa qof haystay mudnaan kasta oo la doono. Siday sheegaanna abwaan
Soomaaliyeed oo waagaa dhulkaa is yidhi nolol bal u raadso, waakii intii uu
aamusnaan kari waayay, tiriyay gabay uu ku sifaynayo in miyigii uu ka yimi, aanay
nololi uga danbayn. Beenna loo shegay, oo uu halkan ku yahay waxba matare aanay
cidina tirsan,
“Tixda gabay Maxamedow beryahan waanigaan tirine
In dhoweydba waataan ka tegey Ta iyo
Wowgeede
Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn
jiraye
Xaluun baan tawalay goor dhaxay tahay
allaylkiiye
Kolkii uumiyuhu wada tarquday Tammani lay
keenye
Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo
iriye
Waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon
waaye
Tusaalaha adduun iyo walaac la igu soo
tuurye
Tog yar iyo bannaan iyo anoo tuban ka
baaqaaya
Taalloolayaal iyo anoo taaggi siraw jooga
Toomaha walwaaleed anoo torog ku maalaaya
Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya
Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada
tiirshay
Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii
yimiye
Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo
idhiye
Tammuunkii ku imi meel jinnoo aan tamadinayne
Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad
heliye
Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma
moodeyne
Waxa tuban kun tamar laawe aan tacabna
eegayne
Talaatiin gu qaar joogay baan toob u
xaadirine
Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga
waaye
Taf la jiido iyo bay hayaan tookha
debedeede
Teys ma laha taaloogga iyo timo la
xiiraaye
Aniguna tabtoodii haddaan yara
tacliimeeyey
Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal
dhiganaynin
Turjubaan afkiisii haddaanan ugu
tiraabaynin
Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi
raacaynin
Kol haddanan telifoonka iyo taarka
qabanaynin
Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi
seben joogey
Way tala xumaan Maxamadoow tanoo
andhawrtaaye
Tacliin aabahay wuxu i baray tooyyo soo
godole
Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye
Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga
tooreeye
Waxba gabaygu yuu ila taffine waxaan ku
taalleeyey
Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga
e
Tabantaabo gacal baan rabaaye tolow ha lay
dhoofsho.”
-Maxamed Kaahin Feedhoole