Waa maalin khamiis ah. Xamse waxa uu ka yimi iskulkii. Maalmaha khamiisaha ah, aadbuu lugta ugu xadaa tallaabada, haddaanuu marmarka qaar ordinba. Meel kale kuma leexdee qummaati ayuu u abbaaraa malcaamaddiisii maalintaa. Oo tolow maalmaha kale laguma karo tag ee, maalintan maxaa loogu sheegaa?! Haa dee, waa kahmiis oo ma waxaanuu u ordinba malcaamadda. Maalinta sabtida oo loo asteeyay inay tahay maalin qooqan iyo maalmaha la jaarka ahi, isaga uma tirsana. Labada saacadood ee khamiistu, iyagaa sameeya isbuuca dhan farxaddiisa. Waaka soogalay qolkii dabadda xigay ee, kabaha kadinka ku siibay isaga oo si u neeftuuraya. Haa wa khamiis ay innamada iyo habluhu su’aalo isku hurgufaan.

La isku bilaw, oo Xamse ha waydiiso hablaha, kumuu ahaa saxaabigii Dejaal-cawar soo arkay. Heblaayo ay si gaara isha isugu xadaani, waajib ha isaga dhigto ka jawaabidda su’aashiisa. Dee waa hebel. Ma’aha. Waa hebel haddaba. Dee maaha. Intay yar xanaaqdo, intii aanay fadhiisan ha sii raaciso gunuus ah, haddaa maadiguu ahaa. Xamse ha ugu sii daro, oo ma saxaabi ayaan ahay anigu? Macalinkii dhexdhexaadiyaha ahaa, ma yidhi 3 derajo ayaa idinka go’an. Xamse ha sheego inaanay mudnayn, in laga goosto maadama ay soo gaadhayaan habluhu. Se dhegba looma dhigin. Waa yaab ee, ardayduba way faraxsanyihiin! Farxaddani kama muuqato wiigga dhan ee wax la dhiganayo, marka laga reebo labadan saacadood ee su’aalaha ah. Isma waydiiyaan macalimiintu, wax ardayda dareenkooda badalay.

Waalidkana daaba middaa. Waxaabay nafisaan inta ay ka maqanyihiin. Cajiib! Maalmaha quraanka lagabaxayo; laxidhiidhinayo ama dareeriska lasoo diyaariyo, labadan saacadoodi uga mudan ardayda. Xamse oo ka sheekaynaya 20 sano kadib malcamaddiisii, waxa uu aalaba ku tiiqtiiqsadaa khamiisihii malcaamadda. Ardayda waa lagu dilaa quraanka inay soo qaybaan, oo waa amar aanay iyaguna raali ka ahayn. Se khamista kaliya waxa loo sheegaa in su’aalo la ridanayo. Ardaydaasina meelwalba waxay u maraan si ay su’aalo usoo helilahaayee. Qaarbaaba waajib isaga dhiga xifdintooda, si ay u jabiyaan su’aalaha dhufayska kusoo jira. Maadaama aan la ogolayn in warqadaha lala soo baxo. Awal in wax la xifdiyo maanu macallinku ku dili jirin? Mooji, see dee ma wax aan la xifdinbaa, waa wax ay diyaar u yihiin oo doonayaan ee.

 

Maalmaha loo sheego in aan su’aalo jirin, murugo iyo walbahaar ayaa ardayda ka muuqda. Gelinka danbe bareefadka ayuu dhigtaa Xamse, oo waxa uu dhammaynayaa dugsigii dhexe. Maalinta arbacadu waa u khamiista malcaamadda oo maba jaro. Waa laba maaddo oo isasaran. Ingiriisada iyo carabida oo lagu tartamayo baraatiis iyo xiwaar. Maalintaa ardaydu niyad ahaan way fahmayaan, in wax samuuradda loogu xariiqaayi, inay ka mudantahay inay is tijaabiyaan. Meel halkana kursigaagii ku noqo iyo waa maxay farxiqa u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa ka dhacaysa. Xamaasadda ayaa sii korodha arbaca kasta, oo waxoogaa ayaa la soo xifdiyaa. Se intaasi way u dhaantaa samuuradda labuuxiyo, ee aanay badanka waxba ka fahmin. Xamse oo waynaaday ayaa ka sheekaynaya, dhallaanimadu inay tahay marxaalad ka gooniya da’da inteeda kale. Sababtoo ah, korriin caqli iyo mid jidheed ayuu ilmuhu ku jiraa. Carruurtuna inay gacan waalid iyo mid macallinba helaani ay waa jibtahay. Si mustaqbalka uu usoo baxo, ilmo dareenkiisa caqli iyo kiisa caadifadeedi is celinayaan. Isaga oo hadalka soo gabagabaynaya ayuu sii raaciyay, Ma’aha inaynu riyooyinkooda ku dhexdilno, muuqaalka quruxda badan ee dhallaanimadooda.