Waa maxay wakhtigu?

Wakhtigu qof kasta oo inaga mid ah isagu wuu yaqaanna, balse innagu mannaqaanno isaga. Wayna inagu adagtahay inaynu qeexnno, oo fahanno. Sayniska, falsafadda, diinta iyo fankuba, midkastaaba xagal goonniya ayuu ka istaagay qeexidda wakhtiga. Se nidaamka lagu cabbiray ayaa ah mid joogta ah. Saacadduhu waxay ku saleysanyihiin ilbiriqsiyo, daqiiqado, iyo saacado. Jiilba jiil ayuu isusoo badalayay hab-canbireedka wakhtiga. Cabbiraddaa asalkooduna waxa uu u noqonayaa, Sumeria-kii hore (Sumer, oo ah aag hadda dhaca koonfurta Ciraaq). Waayaheennana unug (unit) cabbireedka wakhtiga waxaa lagu cabbiraa (calaamadda: S), iyadoo lagu sii qeexo isla cabbirkan Second. Kaasoo ah kala-guurka elegtarooniga ee atamka cesium-ka. Haddaba waayahee sida saxda ah, waa maxay qeexidda hubaasha ah ee wakhtigu?

 

Qeexidda Sayniseed ee Waqtiga

Waa maxay wakhtigu, si hubantiinnimo ah? Fiisigisku waxa uu ku qeexay wakhtigu inuu yahay dhacdooyin isku xigxiga. Kaasoo kasoo dheelmanaya tagtdadii, taagantadana u waydaaranaya timaaddada. Asal ahaantaba, haddii nidaamku yahay mid aan is badalayn, waa mid waara. Wakhtiga waxa loo qaadan karaa xariiqda dhismeed afraadka (the fourth dimension of reality), taasoo loo isticmaalo in lagu qeexo dhacdooyinka ka dhaca goob. Middaasoo leh qaabka saddex dhismeedka. Mana aha wax aynnu arki karno, taaban karno ama dhadhamin karno. Se waxaynnu cabbiri karnaa wadiiqadeedda.

 

Fallaadhaha wakhtiga

Isle’egyada fiisisgisku waxay si isku jaan go’an u shaqeeyaan, haddii wakhtigu u socdo dhanka mustaqbalka (wakhtiga togan). Ama haddii uu si gadaaleed ugu rogmayo tagtadii (wakhtiga taban). Dhankastaba ha joogtee; wakhtiga adduunkan dabiiciga ahi waxa uu u jihaysanyahay, hal dhinac oo ah dhanka mustaqbalka. Kaasoo loo yaqaan fallaadha wakhtiga (arrow of time). Muxuu wakhtigu dib ugu noqon waayay, waa su’aalaha ugu adag ee sayniska dhex ceegaaga. Mid ka mid ah sharraxaaddaha ayaa noqonaysa, in dunida dabiiciga ahi ay raacdo sharciyada thermodynamics/daynabo kulaaleedka.

Sharciga labaad ee thermodynamics wuxuu dhigayaa, in aynnu nidaam go'dooneedka ku dhex jirno (isolated system), cabbirka entropy-guna nidaam ahaan waxa uu ina xasuusinayaa inuu yahay mid halkiisa baaqi ku ah ama kordhaya. Haddii caalamka/adduunka loo tixgeliyo inuu yahay nidaam go'doonsan, oo ah entropy (degree of disorder) marnaba ma yarayn karno, oo dib unkankiisii uguma celin karno. Si kale haddii aynnu u dhigno, adduunku kuma noqon karo isla  xaalad uu kal hore soo maray. Saasoo aytahay, wakhtigana dib looma celin karo.

 

 

Wakhti fidis/Time dilation

Marka la joogo (classical mechanics), wakhtigu meel kastaaba waa isku mid. Saacadaha sida wadajirka u soconaya (Synchronized clocks) waxay ku wada jaan go’anyhiin heshiis. Hadda waxaynnu garan karnaa aragtidii Einstein's special iyo general relativity, in wakhtigu qaraabo yahay ama isku xidhanayahay. Waxay kuxirantahay qaabka tixraaceed loo kormeerayo. Tanina waa natiijada in wakhtigu fido, halkaasoo wakhtiga ay dhacdooyinku u dhaxeeyaan uu noqnon karo mid dheer (dilated). Markasta oo uu qofku u dhawaado inuu ku socdo wax u dhow xawaaraha iftiinka.

Waxaanay dhaqaaqaysa xawaare yar saacadda ku soconaysa xawaaraha iftiinku, marka loo eego ta aan socodka ku jirin (stationary clocks). Saacadaha diyaaraduhu waxay diwaangeliyaan, wakhti ka gaabiya saacadda dhulka taalla. Qurubbada Muon ayaa dikhaw kuyimaaddaa, markay ay soo hoobanayaan diyaaraduhu. Tijaaabadii Michelson-Morley ayaa caddaysay, maadama markasta oo masaafadu soo yaraataba wakhtigu dheeraanayo/luudayo.

 

Ku safridda wakhtiga

In wakhtiga lagu safro waxay la mid tahay in hore loo socdo iyo in loo noqon karo gadaal labadaba. Dhibco kala duwan oo wakhti ah. Si lamida waxaa uu ugu kala gudbi kartaa meelo kala duwan oo Space-ka ah ama hawada sare ah. Cirbixiyeennada ku sugan Saldhigyada hawada sare, ayaa hore u booda marka ay dhulka ku soo laabtaan, sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa gaabiska ah ee ay u lahaayeen saldhiga hawada sare. Fikirka ku aaddan in dib loogu noqdo wakhtiga, ayaa dhaliyay muran badan.

Hal arrin ayayna noqonysaa oo ah (causality) ama sababta iyo maxsuulka. Dib ugu noqoshada wakhtigu waxay keeni kartaa ismaandhaaf ku meel gaadh ah. Waxaana tusaale qadiimiya u ah, "grandfather paradox". Marka loo eego isbarbardhigga; haddii aad dib wakhtiga ugu safarto, oo aad awoowgaa disho, ka hor inta aan hooyadaa ama aabbahaa dhalan, waxaad ka hortagi kartaa dhalashadaada. Fiisigisyahanno badan oo cilmiga fiisigiska ah ayaa aamminsan in wakhtiga dib loogu safrayo tagtadii uu yahay mid aan macquul ahayn. Balse waxaa jira xal u helidda isbarbar-dhigga ku-meel-gaadhka ah. Sida socdaalka inta u dhaxaysa (parallel universes) caalamka is garabyaalka ah.

 

 

 

 

 

 

 

Garashada wakhtiga/Time perception

Maskaxda aadanuhu waxay u qalabaysan tahay inay la socoto wakhtiga. Nuclei-yada maskaxda ee suprachiasmatic-ku, waa gobolka ka mas'uul ah in uu la jaan qaado isbadalka gabal-dhaca iyo waaberiga. Sdioo kale, xilliga uu qofku soo tooso ama seexdo ee (circadian rhythms). Waxaa iyaguna saameeya aragtida iyo qaabka loo arko wakhtiga, daawooyinka iyo neurotransmitters-ka. Kiimikooyinka kiciya neerfayaashu waxay maskaxda geeliyaan xawaare ka sareeya kan qofka caadiga ah. Halka hoos udhaca neerfayaashu, ay aragtida wakhtiga luudiyaan.

Asalkaba marka wakhtigu u muuqdo mid xawaaraynaya, masxkaxdu waxay kala hufaysa dhacdooyin badan oo dhexdeeda yururay. Hubaashii wakhtigu wuxuu u muuqdaa mid duulaya, marka aynnu xaraabaysanaynno. Dhanka kale, wakhtigu wuxuu u muuqdaa mid gaabinaya marka xaalado degdega lagu jiro ama khadatar ah. Saynisyahanno ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka ee Baylor Houston, ayaa sheegay in maskaxdu aysan si dhab ah u degdegin iyadu, balse amygdala ayaa noqota mid aad u firfircoon. Amygdala waa qayb maskaxda kamid ah, taasoo abuurta xusuusta.

Marka xasuusta ay samaysamnysaa badato, wakhtigu waxa uu u muuqdaa mid dheeraaday/luudaya. Isla dhacdo la mid ah ayaa sharraxaysa sababta dadka da'da ah ay iyaga ula muuqato in waqtigu dhakhsanayo, marka loo eego marki ay yaraayeen. Dhakhaatiirta cilminafsiyeedku waxay rumeysan yihiin, in maskaxdu ay sameyso xasuus badan oo waayo-aragnimo cusubi ku la dhantahay, marka loo eego kuwii hore loo yaqaan. Maadaama xasuuso aan badnayn ay abuuraan dadku marka ay waawaynaadaan, wakhtigu wuxuu ula muuqanayaa inuu si dhakhso ah u dhaafayo.

 

Bilawga iyo dhammaadka wakhtiga

Fogaan kasta oo koonka loo tixgeliyo, wakhtigu wuxuu lahaa bilaw. Waxaana bilawgiisii laga joogaa, 13.799 bilyan oo sano ka hor, markii qaraxii Big Bang dhacay.  Se haddii aynnu ku eegno (CMB, CMBR), waynnu heli karnaa microwave ka yimi Big Bang. Halka aynaan wax shucaac ah oo asalkii hore ka yimid ama ka hor qaraxii Big Bang. Mid ka mid ah doodaha jirridda u ah wakhtiga ayaa ah, in haddii uu dib u noqonlahaa wakhtigu oo lakala furfuri lahaa, samada habeenkii ay buux dhaafin lahaayeen iftiin ka yimid xiddigo waawayn oo guun ah.

Wakhtigu miyuu dhammaandoonaa? Su’aashan warcelinteeda cidina mataqaan. Haddii uu caalamku siifidayo waligii, maadama uu fidis ku jiro hadda, wakhtiguna wuu sii socondoonaa. Haddii Big Bang kale dhacana, xarriiqda wakhtigeenna ayaa dhammaandoonta, mid cusubina way bilaabmidoontaa. Tijaabo qurubyo fiisigiska kamida, ayaa sheegaya in qurubyadu ay qaab aan habaysanayn ugu kacaamaan (Vacuum). Sida daraadeed uma muuqdo, in uu koonku ahaanayo mid neg (static) ama waaraya. Balse wakhtiga ayaa inoo sheegidoona.