Maanta waxaan si qoto dheer u eegi doonaa mid ka mid ah maskax-maalladii ugu waaweynaa ee soo maray taariikhda aadanaha waa Plato. Waa faylasuuf Giriig ahaa oo noolaa qarnigii 4-aad ee Ciise ka hor, Waxaana uu dhigaal aan la soo koobi karin uga tagay falsafadda Galbeedka, siyaasaddooda, cilmigooda, iyo farshaxankoodaba. Haddaba, bal aynu si qoto dheer u gorfaynno noloshiisii, fikradihii uu aaminsanaa, iyo saamayntii uu ku lahaa adduunka.

Plato wuxuu ku dhashay Athens, Giriigga, qiyaastii 428/427 Ciise ka hor. Magaciisa dhabta ahi wuxuu ahaa Aristocles, laakiin waxaa loo bixiyay "Plato" oo macnaheedu yahay "ballaadhan" ama "garab-ballaadhne," waa macquul in jikiisuna balaadhnaa sida fikirkiisa oo kale . Wuxuu ka dhashay qoys sharaf leh oo xiriir la lahaa siyaasaddi Athens. Waxa uu arday u ahaa faylasuufkii weynaa ee Socrates, kaasoo si weyn u qaabeeyey hab-fikirkii Plato iyo dabeecaddiisii falsafadeed.

Dilkii Socrates ee 399 Ciise ka hor wuxuu si qoto dheer uu saamayn taban ku yeeshay Plato. Dhacdadaa murugada leh ayaa ka daaha uga fayday Plato in siyaasadda Athens ay musuqmaasuq tahay badhax tiran oo ay u baahan tahay isbeddel weyn oo ku yimaada hoggaanka, habka iyo hannaanka fikir ee bulshadiisa. Tani waxay ahayd sababta uu Plato diiradda u saaray sidii loo abuuri lahaa bulsho wanaagsan oo cadaalad kuwada daanshoota, middaa oo uu ku sharraxay qoraalladiisa, gaar ahaan buuggiisa caanka ah ee


Jamhuuriyadda (The Republic).


Akadeemiyaddii Plato: Xaruntii Falsafadda


Plato wuxuu caanahaa aasaasiddii uu dhidibada u taagay Akadeemiyadii Athens ee qiyaastii 387 Ciise ka hor. Tani waxay ahayd mid ka mid ah xarumihii waxbarasho ee ugu horreeya ee Yurub, waxaana la oran karaa waa jaamacaddii ugu horraysay ee taariikhda inta laga war hayo. Akadeemiyadu waxay dadka qalinka ku baraysay falsafadda, xisaabta, sayniska, iyo siyaasadda. Waxay noqotay meel ay isugu yimaadaan maskax-maalladii iyo rug caddaayadii fikirka ee ugu waaweynaa wakhtigaas, waxaana ka mid ahaa ardaydii caanka ahayd ee halkaas wax ku baratay Aristotle, kaasoo isna noqday mid ka mid ah faylasuufyadii ugu saamaynta badnaa. Akadeemiyada Plato waxay sii jirtay ilaa 900 oo sano ka dib, taasoo muujinaysa saamaynta ay ku lahayd horumarka garaadka.

Fikradihii Falsafadeed ee Plato

Plato wuxuu soo bandhigay fikrado badan oo asaas u noqday falsafadda Galbeedka. Bal aynu eegno qaar ka mid ah fikradihiisa kuwii ugu toolmoonaa:

1. Fikradda Qaabdhismeedyada (Theory of Forms)

Tani waa fikradda asaasiga ee salka u ah Plato. Wuxuu aaminsanaa in laba adduuni jiraan: adduun waa ka aynnu ku nool nahay ee aan indhaheenna ku aragno (adduunka dareenadda ku dhidban) iyo adduunka kale oo aan la arki karin, oo ah Adduunka Qaabdhismeedyada (World of Forms). Adduunka dareemadu ay isbeddelan ma dhammaystirna, oo waana mid  isagu aan dhab ahayn. Dhinaca kale, Adduunka Qaabdhismeedyada waxaa ku jira waxyaalo"dhabta ah" iyo "dhammaystiran" wax kasta.

Tusaale ahaan, waxaan aragnaa kuraas badan oo kala duwan, qaarkood waa kuwo fool xun, qaarkoodna waa kuwo qurux badan. Laakiin Plato wuxuu qabaa in dhammaan kuraastaasi ay yihiin nuqullo aan dhammaystirnayn oo ah "Qaabdhismeedka Kursiga" ee ku yaal Adduunka Qaabdhismeedyada. Waxyaabaha sida cadaaladda, quruxda, iyo wanaagga, dhammaantood waxay leeyihiin Qaabdhismeedyo dhab ah oo ka jira adduunkaas. Maskaxdeennu, ama nafteenna, ayaa si dhab ah u fahmi karta Qaabdhismeedyadan. Tani waxay ahayd hab uu Plato ku sharraxay xaqiiqda, aqoonta, iyo sababta aynnu u leennahay fikrado guud oo lamataabtaan ah


2. Dawladda Wanaagsan iyo Boqor-Faylasuufka (The Ideal State and the Philosopher King)

Buugga caanka ah ee Jamhuuriyadda (The Republic), Plato wuxuu ku sharaxay aragtidiisa ku aaddan dawladdaku habboon ee cadaalad ku dhaqanta. Wuxuu ku dooday in bulshada loo qaybiyo saddex qaybood oo waaweyn, taas oo la mid ah qaybaha nafta aadanaha:

  • Hoggaamiyayaasha (Philosopher Kings/Rulers): Kuwaas waa inay noqdaan kuwa ugu xigmadda badan oo fahansan Qaabdhismeedka dhabta ah ee cadaaladda iyo wanaagga. Waa inay ahaadaan kuwa wax xukuma, sababtoo ah iyaga ayaa leh aqoonta biyo kama dhibcaanka ah, ee u oggolaanaysa inay qaataan go'aannada ugu wanaagsan ee bulshada. Waxay u dhigantaa qaybta "caqliga" ee qofka.
  • Ilaaliyeyaasha (Guardians/Auxiliaries): Kuwani waa askarta iyo difaacayaasha dawladda. Waa inay noqdaan kuwo soo ma jeestayaal, ah misna daacad ah, dareenkooduna u hoggaamiyo uun dhanka sharafta iyo geesinimda. Waxay u dhigantaa qaybta "ruuxda" ee qofka.
  • Soo Saareyaasha (Producers): Kuwani waa beeralayda, farsamayaqaannada, iyo ganacsatada. Waxay ujeedadoodu tahay inay daboolaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Waxayna u dhigantaa qaybta "rabitaanka" ee qofka.

Plato wuxuu aaminsanaa in dawlad cadaalad ah ay tahay mid ay qayb kasta oo ka mid ah bulshadu ay qabato shaqadeeda gaarka ah, oo ay hoggaaminayaan Boqorro-Faylasuufyo xikmad la gadhoodhay. kuwaasoo leh aqoon sax ah iyo xikmadba. Wuxuu si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda waxbarashada, isagoo aaminsanaa in waxbarashadu ay tahay furaha lagu tababarayo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo sidoo kale laguna qaabeeyo qof kasta, si uu u noqdo muwaadin wanaagsan.


3. Sheekada Godka (Allegory of the Cave)

Sheekada Godka, oo uu Plato ku sharxay buuggiisa Jamhuuriyadda, waa mid ka mid ah mala-awaallada ugu caansan falsafadda. Waxay si qurux badan u matalaysaa Fikradda Qaabdhismeedyada iyo muhiimadda ay leedahay aqoonta xaqiiqada ahi.

Plato wuxuu sawiray koox dad ah oo yaraantoodii lagu xiray god, iyagoo dhabarku u jeedo iridda godka. Waxay kaliya arki karaan hadhka waxyaabaha soo hormara iftiinka u soo galaya  godka., hadhkaasoo ka muuqanaya derbiga hortooda ah. Waxay u malaynayaan in hadhkasta oo u muuqdaayi yahay dhab. Mid ka mid ah maxaabiista ayaa si uun xoriyaddiisa u helaya oo u baxaya dibadda godka. Markii hore waxa uu la kulmayaa indhaho xanuun kaga yimid iftiinka qorraxda, balse si tartiib ah ayuu ula qabsanayaa oo wuxuuba arkayaa dhabta iyo xaqiiqada adduunka debadda oo aan ahayn adduunkii gudaha waa hoggee.: geedaha, xayawaanka, iyo qorraxda dhabta ah.

Markuu dib ugu laabto godkii si uu ugu warramo saaxiibadii xaqiiqada dhabta ah, way ku qoslayaan mana rumaysanayaan. Tani waxay matalaad u tahay dadka caadiga ah ee ku nool jahliga (hadhka iyo mugdiyada) iyo faylasuufka (kawaa kan ka baxay godka ee) fahmayna xaqiiqada dhabta ah waa (Qaabdhismeedyada ee). Sheekadanina waxay muujinaysaa adkaansha ay leedahay in dadka laga saaro jahliga iyo muhiimadda ay leedahay in la raadiyo aqoonta dhabta ah, xitaa haddii ay tahay mid adag ama fahamkeedu adagyahay.

Saamaynta Plato

Saamayntii Plato ee taariikhda falsafadda iyo dhaqanka Galbeedku waa mid aan la qiyaasi karin. Wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee si nidaamsan u qora falsafadda, isagoo abuuray hab-fikir iyo aragtiyo wali lagu muransan yahay oo laga doodo maanta.

  • Falsafadda Siyaasadda: Fikradihiisa ku saabsan dawladda cadaaladda ah iyo Boqor-Faylasuuf ah ayaa saameeyay fikirada siyaasadeed ee qarniyo badan, lagasoo bilaabo Rome ilaa qarniyadii dhexe iyo xitaa ilaa maanta.
  • Epistemology (Cilmi-aqooneedka): Aragtidiisa Qaabdhismeedyadu waxay si weyn u qaabaysay sida aan u fahamno aqoonta, xaqiiqada, iyo runtaba.
  • Cilmi-Nafsi: Qaybaha nafta ee uu sharxay waxay asaas u noqdeen fahamka cilmi-nafsiga casriga ah.
  • Farshaxanka iyo Suugaanta: Qoraalladiisu waxay yihiin kuwo farshaxan uu ku taxay oo suugaanaysan, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan suugaanta Giriigga.


Alfred North Whitehead, oo ah faylasuuf weyn oo casri ah, wuxuu mar yidhi: "Taariikhda falsafadda ee reer Galbeedka oo dhan waa taxane fudud oo lagu sharxayo Plato." Oraahdani waxay si fiican u muujinaysaa muhiimadda Plato ee horumarka fikradda aadanaha.

Gunaanad

Plato muu ahayn oo kaliya faylasuuf; wuxuu ahaa hal-abuurkii fikirka casriga ah. Aragtidiisii, inkastoo dad qaarii ay dhaliileen, waxay wali sii hurinaysaa doodaha iyo cilmi-baadhisaha maanta. Casharradiisa ku saabsan cadaaladda, aqoonta, iyo dawladda wanaagsani waxay weli yihiin kuwo aan dhayel ahayn, iyagoo ina xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la raadiyo runta iyo in la abuuro bulsho dun wanaagsan u dhalatay.

Haddaba, mar kasta oo aad ka fekerto cadaaladda, waxbarashada, ama nolosha dhabta ahba, xusuusnow in raadkii Plato uu wali inala joogo.