Cutubka 1: Fahamka Niyad-Jabka (Depression)
Andrew Solomon wuxuu buugga The Noonday Demon/Shaydaankii
hadh-galka ku bilaabayaa qeexid qoto dheer oo ku saabsan waxa niyad-jabku
yahay. Wuxuu si cad u kala saarayaa murugada caadiga ah ee nolosha aynnu la
kulanno iyo depression-ka/qulubka. Isaga oo muujinaya in murugadu tahay dareen
dabiici ah oo qofku ka soo kabsan karo, halka niyad-jabka/qulubku uu yahay
xaalad maskaxeed oo ka xayuubisa qofka awoodda uu wax ku dareemi karo. Solomon
wuxuu sharraxayaa in qofka qulubka xaaladeed ku jira, aanu kaliya murugoon,
balse uu dareemo nolol iswaa ah, culays joogto ah, iyo in wax walba ay u
muuqdaan kuwo aan macne lahayn. Cutubkani wuxuu dejinayaa fahamka aasaasiga ah
ee buugga, isaga oo niyad-jabka ka dhigaya xanuun u baahan aqoon iyo faham, ee
aan ahayn dabeecad ama tabar-darro.
Cutubka 2: Waaya-aragnimada Qoraaga
Cutubkan Solomon wuxuu si daacadnimo leh uga
warramayaa waayo-aragnimadiisa gaarka ah ee ku aaddan qulubka. Wuxuu muujinayaa
sida xanuunkani ugu dhacay isaga oo leh nolol guudka uga muuqata mid guuleed:
waxbarasho heer sare ah, xirfad wanaagsan, iyo nolol bulsho oo toolmoon. Taasina
waxay burburinaysaa fikradda khaldan ee ah in depression-ku/qulubku ku xidhan
yahay saboolnimo ama guul-darro. Qoraagu wuxuu akhristaha xagal fiiqan uga
bidhiiqinayaa, in niyad-jabku aanu kala soocin dadka, isla markaana aanu
tixgelinayn caqli, awood, ama meeqaam bulsho.
Cutubka 3: Taariikhda Qulubka
Solomon wuxuu cutubkan ku eegayaa sida qulubka
taariikh ahaan loo fahmi jiray. Wuxuu tilmaamayaa in qarniyo badan qulubka loo
arkayay dembi, daciifnimo, ama ciqaab Ilaahay, halkii loo arki lahaa xaalad
caafimaad oo ah xanuun bogsiimo u baahan. Aragtidaasi waxay sababtay in dad
badan la takooro, la aflagaadeeyo, ama la aamusiyo. Qoraagu wuxuu muujinayaa in
raadadka aragtidaa qadiimiga ahi ay weli ka ka dhex jiraan bulshooyinkeennan casriga
ah, gaar ahaan meelaha ay aqoonta caafimaadka maskaxdu liidato.
Cutubka 4: Bayoolojiga Maskaxda
Cutubkani wuxuu si cilmiyeed u sharraxayaa sida niyad-jabku
ula xidhiidho hab-dhismeedka maskaxda. Solomon wuxuu ka hadlayaa doorka ay
kimikooyinka maskaxdu ku leeyihiin, sida serotonin iyo dopamine-ku, isaga oo
muujinaya in isbeddellada ku dhaca nidaamka neerfayaashu ay si toos ah ula
xidhiidhaan depression-ka. Wuxuu caddeynayaa in xanuunkani aanu ahayn “fikir xumo”
oo keliya, balse uu yahay xaalad jidh ahaanna xidhiidhlaleh, taas oo u baahan
daawayn caafimaad.
Cutubka 5: Hidde-Sidaha iyo U Nuglaanshaha
Solomon wuxuu cutubkan ku falanqaynaya su’aasha
ah: qulubka ma lakala dhaxlaa? Wuxuu muujinayaa in cilmi-baardhisuhu tilmaamayaan
in qoysaska qaarkood ay u nugul yihiin qulubka, balse aanu hidde-siduhu ahayn
sabab kaliya. Trauma-da, cadaadiska nololeed, iyo waayo-aragnimada xanuunka leh
ee uu qofku soo jibaaxo, ayaa door weyn ka ciyaarta. Sidaas awgeed,
depression-ku waa natiijo ka dhalata isku-darka genetics/hidde-side iyo deegaanka.
Cutubka 6: Daawooyinka Maskaxda
Daawooyinka antidepressants-ka ayaa cutubkan si
faahfaahsan loogu falanqeeyey. Solomon wuxuu muujinayaa in daawooyinku ay dad
badan ka caawiyeen inay dib u helaan nolol wax ku ool ah, halka kuwo kalena
aanay waxba ka tarin daawooyinku. Wuxuu si dheellitiran u soo bandhigayaa
faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka daawooyinka, isaga oo ka fogaanaya inuu jilo
qaab xagjirnimo ah. Qoraagu wuxuu qeexayaa in dawadu ahayn xal mucjiso ah,
balse ay tahay qayb ka mid ah nidaamka ballaadhan ee dawaynta.
Cutubka 7: La-talinta Nafsiyeed (Therapy)
Cutubkani wuxuu diiradda saaraya doorka
la-talinta nafsiyeed. Solomon wuxuu sharraxayaa sida therapy-gu uga caawin karo
qofka qulubka dareemaya inuu fahmo fakarkiisa, xasuustiisa, iyo qaabka uu
naftiisa u arko. Wuxuu muujinayaa in therapy-gu aanu qof walba si isku mid ah
ugu shaqayn, balse uu yahay hab muhiim ah oo qofka ka caawin kara la-qabsiga
xanuunkiisa, xataa marka aanu si buuxda u baabi’in.
Cutubka 8: Electroconvulsive Therapy (ECT)
ECT waa mid ka mid ah daawaynta ugu muranka
badan ee buugga lagu falanqeeyey. Solomon wuxuu qirayaa cabsida iyo halista ku
xeeran daawayntan, gaar ahaan saamaynta ay ku yeelan karto xusuusta. Si kastaba
ha ahaatee, wuxuu sidoo kale muujinayaa in dad qaar ay ka heleen nafis aanay
dawo kale ka helin. Qoraagu wuxuu ECT u soo bandhigayaa sidii toorasho adag, oo
la adeegsado xaaladaha ugu daran, marka dhammaan fursadaha kale fashilmaan.
Cutubka 9: Bulsho, Dhaqan, iyo Ceeb
Solomon wuxuu cutubkan ku muujinayaa sida
bulshooyin badan ay qulub-ka ugu arkaan ceeb ama daciifnimo. Aragtidaasi waxay
qofka xanuunsanaya ka hor istaagtaa inuu raadsado caawimo, waxayna sii xoojisaa
go’doonka iyo kelinimada. Qoraagu wuxuu ku adkaysanayaa in faham-la’aanta
bulsheed ay tahay caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagta bogsashada, isla
markaana loo baahanyahay isbeddel dhaqan oo ku yimaadda hab fakarkooda.
Cutubka 10: Qoyska, Jacaylka, iyo Xidhiidhada
Cutubkani wuxuu sharraxayaa saamaynta
niyad-jabku ku yeesho xidhiidhada qoyska, guurka, iyo saaxiibtinimada. Solomon
wuxuu muujinayaa in qulubku aanu kaliya xanuujin qofka, balse uu dhaawaco dadka
ku xeeran. Qofka niyad-jabsani mararka qaarkood ma awoodo inuu muujiyo dareen,
taas oo keenta faham-la’aan iyo khilaaf. Inkasta oo xanuunku aanu ka iman doonis
xumo ama wax qofku diiday.
Cutubka 11: Is-dilka iyo Fikir Ka Baxsiga
Cutubkan miisan leh, Solomon wuxuu kaga hadlayaa
fikirka is-dilka. Wuxuu muujinayaa in fikirkani aalaaba ka yimaaddo rabitaanka
in xanuunka laga dheerado, ee aanu ka iman rabitaan qofku rabo dhimasho.
Qoraagu wuxuu carrabka ku adkaynayaa muhiimadda ay leedahay in mawduucan si hufan
looga hadlo, maadaama aamusnaantu ay kordhiso khatarta.
Cutubka 12: Rajada, La-Qabsiga, iyo Nolosha
Cutubka ugu dambeeya Solomon wuxuu muujinayaa in
inkasta oo niyad-jabku yahay xanuun dheer, haddana la maareyn karo. Wuxuu
caddeynayaa in bogsashadu aanay ahayn safar bilaa turxaana, balse ay tahay
geeddi-socod hadba dhan u gebi dhaclaynaya. Rajadu waxay ku jirtaa fahamka,
taageerada, iyo aqbalidda qulubku yahay xanuun qofku la noolaan karo, xitaa
haddii aanu gebi ahaanba ka bogsan.
Gunaanad
Guud ahaan, The Noonday Demon waa buug ku dhisan
aqoon iyo faham isla markaana qulubka ka dhigaya xanuun bini-aadmiga ku dhaca
oo u baahan naxariis, daawayn, iyo taageero bulsho. Andrew Solomon wuxuu
akhristaha barayaa in qulubku aanu ahayn dambi uu qofku galay ama daciifnimo
shakhsiyeed, balse uu yahay xanuun dhab ah oo qof walba ku dhici kara. Fariinta
ugu mucda wayn ee buuggu inoo tibaaxayaa waa in fahamku yahay tallaabada ugu
horreysa ee bogsashada, halka xukunka iyo canaantu ay yihiin waxyaabaha
xanuunka sii adkeeya.